User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

30-casho ku xifdi qur`aanka oo dhan

omar-farouq's picture

Su`aashaan jawaabteeda waxaa suura gal ah in marka hore kugu adkaato balse waa lagu xifdin karaa muddo sodon cesho ah Qur`aanka Kariimka waa arin horay u dhacday, si aad u gaarto go`aanka ah in muddo 30-cesho ah ku xifdiso Qur`aanka kariimka waxa ay kaaga baahan tahay qodobadaan.

1-Waa in aad gaartaa go`aan kama dambeeys ah oo ku aadan in aad 30-kaasi cesho ku xifdiso Qu`raanka kariimka.

2-Waa in aad leedahay Himo sareereysa(Hami)
3-In aad la saaxibtaa dad ku dhiiri gilinaya oo aan niyad jab kuugu beereyn ama hoos ku dhigeeyn .

4-In aad sabar leedahay oo aad u adkeeysataa hadiiba ay dhacdo in culeys kugu noqoto .

Waxaa Suura gal in Aqristayaasha u suura gashay in ay aqristaan maqaalkaan ay arin la yaab ah ku noqto in 30-cesho Quraanka oo dhan lagu xifdiyo haddii aad ogaato sababta arintaasi lagu sameyn karo waa ay kuu fududaaneysaa waadna ku qanceysa .

Tusaale Diyaaradaahaani hawada gala ee aynu raacno marka aad eegto sida loo wado iyo sida ay hawada u gasho waad la yaabi laakinse marka aad wax ka barato culuunta la xariira habka loo dooliyo waa ay kuula fududaaneeysaa.

Waxa ugu fudud ee bani`aadanka lagu qanci karo waa xisaab hadaba aynu isla eegno jadwalkaan xisaabeed oo aynu ku xalin doono in 30-cesho lagu xifdin karo Qur`aanka Kariimka .

Haddii aan qaadano daabacada musxafka oo uu Qoray Cismaan Dhaahaa oo gacantiisa ku qoray musxafkaani inta badan aynu isticmaalno .

Qu`raanka waxa kuu gooban yahay 30-Jus , juskiina waxa uu ka gooban yahay 20-bog ama safxo haddii laga reebo Juska ugu horeeya oo labada bog ee ugu horeeya ee Faatixada iyo Shanta aayadood ee ugu horeeya Albaqra oo la qurxiyay waa 21-bog ama safxo iyo Juska ugu dambeeya ee Jus Cama oo isna qurxin ama sharaxaad oo ka kooban 23-bog .

Tusaale: Imisa daqiiqo ayaad ku aqrin kartaa halkii jus ee Qu`raan , hadaba qofka ugu daaha badan waxa uu ku aqrin karaa ugu badnaan 30-daqiiqo hadaba 30-daqiiqo/20-bog ama safxo waxaad hadaba ku aqrisay halkii bog 1.5(daqiiqad iyo bar .

Imisa jeer ayaad hadaba ku xifdin kartaa boggaasi markii aad ku celceliso kaba soo qaad 5-jeer ayaad ku celcelisay 3-jeerna kor ayaad ka aqrisay hadaba waxaad ku xafiday 12-daqiiqo waxa ayna xisaabta ku soo baxday 8 daqiiqo x 1.5 (hal daqiiq iyo bar)=12

Hadaba waxaa loo baahan yahay in 5 jeer aad u fariisataa xifdinta quraanka oo aad shanta salaadood ka dib siisaa Hal Saac , waxa ayna saacad ahaan noqoneysaa 5-saac .

Shanta Saacadood waxa cay noqoneysaa 300-oo daqiiqo hadaba 300 oo daqiiqo u qeybi 12 daqiiqo oo aad bog ku xifdisid 300/12=25(waxaad maalintii xifdisay 25-bog oo ka kooban Jus iyo shan bog .

Qur`aanka Kariimka waxa ku gooban yahay 604-bog ama safxo hadaba 25 lagu dhuftay 25=waxa ay noqoneysa 604-beej ugu yaraan , hadaba sidaa hadaad ku wadid waxaad qu`raanka ku xifdineysa 25- cesho hadduu alla idmo .

Tusaale: Bukhaari waxa uu xifdisanaa kumanaan milyan oo Xadiis ah Muslimna sidoo kale hadaba maskxooda miyaa ka duwaneyd maskaxdeena Maya Maya kaba soo tag kuwaas Qarniga haatan lagu jiro waxa jirtay Haweeney Xaas aheyd oo afar caruur haysatay waxa ay sheegtay in xifdinta labadaan Suuradood ee Albaqra, Alcimra ku qaadatay muddo 7-sano ah .

Waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay 15-ka bisha Soonka Odeygeena ictikaafna u aaday kacbada ayay sheegtay in yara caajistay ka dibna ay gashay net-ka deedna ay ku aragtay bogga lagu magacaabo Xufaadul waxyeen ayna ku aragtay haween la sheegayo in labadaasi suuradood ku xifdiyeen 3-maalin halka iyada ku qaadatay 7-sano .

Boggii ayay iska diiwaan gilisay jadwalkaani aynu soo sheegnay ayaa loo sameeyay waxa ayna sheegtay in maalintii ugu horeeysaba ay xifdisay 3-Jus 6-cesa markii ay mareeysanna 16-jus sidiina ayay quraanka ku dhameeysay .

Hadaba maskaxda haweeneydaana kama weyna middeyna balse waxaa loo baahan yahay dadaal alla waxa uu yiri(Wafii Anfusikum Afalaa Tubsiruun , Suuratul Aldaariyaat waxaa kale uu alla yiri(Wacallama Aadamal Asmaa kullaah )Albaqra .

Maskaxda uu alla na siiyay waxa ay ka kooban tahay 23Dc(Di Si Mitir) waxaa xeel dheerayaasha maskaxda yiraahdeen in 23-dc ee maskaxda oo ah wax aad u yar ay qaban karto 26-milyan oo buug waxa ku qoran hadaba ma moodeysa in awood intaa la eg ah aad leedahay .

Qabiir ka tirsan jaamacada California waxa uu sheegay haddii qofka bani`aadamka Sikinkiiba loo sheego 10-sheey laguna wado muddo 60-sano ah ma buuxineyso maskaxdiisa marka loo qeybiyo wan milyan hal meel ma aysan buuxsamin hadaba waxa kumbiyuutar dunida yaal sidaa wax uma qaban karaan,,waxaana hubaal ah inay maskaxda ibni adamka ay tahay computer Rabaani ah.

Hadaba waa in aynu ka faa`ideysanaa fursadaasi iyadoo haatan maalmo ka harsan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan , waxaan Alla ka rajeeynayaa in aan ku xifdino mudadaasi qur`aanka kariimka oo dhan .
IDINKO raali ah walaalahay waxaan idina iloobay inay idinsoo raciyo ciwankeyga si waxii talo ama sixid ah aad igu soo gudbisaan omar-farouq@hotmail.com igana raali ahaada ,ina soo duceeeya inu ILAHAY QEYRKA I WAAFAJIYO AKHIRIYO ADUNBA, IDINKANA WAAN IDIN SOO DUCEYNIYE,,, ,,RABOW NOO NAXRIISO DHAMAANTEEN..AMIN YA RABI.

Submitted by omar-farouq on Fri, 08/07/2009 - 19:37
hodanlul's picture
 #

ASC dhamaan walaalahay, salaan kadib
MASHAAM ALAAH MASHAA ALAAH
walaalkeen Omar FAruuq hur ahaantii waqtigiisa ayuu noo horay ilaahay haka ajar siiyo.
walaal JAZAAKULAAHI KHAYRAL JAZAA inshaa alaah. ilaahay hanaga dhigo kuwii wanaaga qaatana ku camalfala inshaa alaah.
walaalkay ahmed iyo qolada adminstrationka webkeenaan qiimaha badan waxaan ka codsanaynaa inay noosoo galiyaan Cajaladu vidio ah oo muxaadarooyinka sida sheekh musta sheek ismaaciil oo uu mar ka hadlaayay quraanka iyo sida loo xifdiyo.
JAZAAKALAAH KHAYR INSHAA ALAAH dhamaantiin

 
omar-farouq's picture
 #

shukran laki ukhtil fadiLAAH ,HODAN walaal Aamin ayaan lenahay dhamaanten Allaha naga dhigo kuwii maqla qowlka kiisa sanan qaata,,, walaal mar kale waad mahadsantahay waxanana u arka inaad ku qanacday programkan, cajaala aad ka dhawajisay ee sheikh mustaf xafidahuLAAH way jirta inaan soo radiyan isku dayi aniga tafteyda waa de xil isaarane walaalken Ahmedna hadu keno kaba sii fican,idinka gabdhaha ahna xil aska saara hormarinta webka sida walasheen asmaa ,HODAN iyo kuwo kalaba,, hadi Alle idmo iyo hadi lo baahdaba inaan cajalado iyo maktib kale soo galiyan rabaa Bi'idniLAAH ramadaankan dhexdiisa hadaan mashquULIN.....

 
 #

Maashaa Allaah Walaalkeey Omar dadaal aad u qiimo badan aad sameysay. Illaah akaa ajar siiyo Aaamiin

 
omar-farouq's picture
 #

Walaalyal marka hore Ilaahey ha kula garab galo kheyrka aad wadid Allena ha ku waafajiyo. Marka xigta xifdinta quraanka runtii waa ay sahlan tahay cidii CAZIIMA la timaadana Alle waa uu u sahlaa maxaa yeelay, sheyga kaliya ee quraanka lagu baran karo waa SUBAC badan ama AKHRIS tiro badan marka labaadaas hadaad daa'imtid, Insha'alaah kheyr badan ayaad ka keenaysaa is badalna waa ka arki doontaa. Waxa kaliya ee qur'aanka adkeeyna waa MACSIDA marka hadaad macsida ka tagtid oo aad dunuubta iska ilaalisid Alle wuu kuu sahlayaa. Isku day hadaad heli kartid CAJAB uu duubay SHEIKH CAADIL BIN KALBAANI oo uu kaga hadlaayo siduu quraanka ku xifiday iyo mudada ay ku qaadatay iyo wiliba kheryaad badan oo uu sheegayo ayaa ku duuban cajaladaas. Ugu dambeytii hadii aad awood u leedahay isku day inaad HAL SHEIKH ka barato oo aad dhageysigiisa badiso aadna qortid gafafkaaga markaad subaca ku jirtaan. Koley anigu intaas ayaan u arkaa inay xal tahay balse walaalaha kalaa iga aragtiyo fiican ee ayagan taladooda waa lama huraan. walaalhayga islaamka ah waxaan ku boorin lahaa in niyad QAALIS ah lala yimaado waayo { INAMAL ACMALU BI NIYAAD } weeye ..wixii talo ama tusaalo ahna waan soo dhaweynaya >>
Wabillaahi Towfiiq
Akhuukum fillaah
>>omar-farouq ibn dulyadeyn!>>

 
asmaa's picture
 #

asc walkeen
waa barnaa mij aaad aaaaaaaaaad u fiican mumtaaz
subxaanalaah waayo waa habka u gu fudud ee xidinta quraanka
kariimka.
WALAL KEEN OMAR.farouq JAZAAKUMULAAHU KHEYRALJAZAA WABAARA KALAAHU FIIK and bismilaahi maasha allaah
angana ilaahey hana ga dhigo kuwi xifdiya lafdan wa macna quraanka iyo ku camal falkiisa .
wanas allulaah an yudkhilanaa min janaatil firdos.
aaaamiin

 
omar-farouq's picture
 #

Aaamin kuligeenba insha-Allah..aan dadaalo Alle wu na garbqabane.