User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Acmaasha ugu khayrka badan Ramadanka dhexdiisa![]() "Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa {Nebigeena SCW}, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu SCW: noqda kuwa ilaahey ka aqbalo cibaadooda. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa Acmaasha ugu khayrka badan Ramadanka dhexdiisa. Shuruudaha Ictikaafka 1} Waa inuu qofku Islaam yahay 2} Waa inuu Caqli leeyahay 3} Waa inuu wax kala sooci karo 4} Waa inuu Niyad la yimaado 5} Waa Inuu ku Negaado Masjidka 6} Iyo Inuu Daahir yahay. Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo qofka Ictikaafaya 1.Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska 2.Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda. 3. inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid ah. Waxyaabaha u bannaan qofka Ictikaafaya 1- Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka ah. 2- Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo ilaalinaya nadaafadda masjidka. 3- Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah. 4- Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirkiisa. 5- Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa. Waxyaabaha Buriya Ictikaafka 1- In laga baxo masjidka Dan la’aan. 2- Jimaaca 3- Waalli ama sakhraan 4- In diinta islaamka laga baxo 5- In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka. Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya: Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo, QODOBKA 7-AAD Cumarada Ramadaanka Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga SCW (( in cumrada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj)) QODOBKA 8-AAD In lagu dadaalo raadinta habeenka barakaysan. (Laylatul Qadri) Alle quraankiisa wuxuu ku leeyahay: (( anaga ayaa soo dajinnay “qur’aanka” habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen)) Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen Barakaysan (Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood. Rasuulkuna wuxuu yiri: (( qofkii istaaga habeenka leylatul qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa danbigiisii hore)) Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr badan tahay kun bilood. QODOBKA 9-AAD Inla badiyo ducada Waxaa wanaagsan in ducada iyo dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u gooni yeeshid waqtiyada soo socda:- 1- Markad afurayso; Maxaa yeelay qofka sooman waxa uu leeyahay duco aan la celin. 2- Xiliga dambe ee habeenkii 3- Maalinta Jumcada ah aakhikeeda. QODOBKA 10-AAD In la xiriiriyo qaraabada. Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xiriiriyo qaraabada, dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xiriiriyaan qaraabadooda iyadoo xilligaas aysan jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inuu xiriiriyo qofku qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan: Nebigu wuxuu leeyahay SCW; “Qofkii doonaya in cumrigiisa loo siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”. Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba uga faa’iisan jireen. Ilaahey inuu naga aqbalo soonka, Nooguna dembi dhaafo, Naartana nooga xoreeyo. Aamiin……. Aamiin……. Aamiin……. Fiiro Gaar Ah--waxaa diyariyay>Umu C/llaahi Cali Cabdi & Umu C/raxmaan Axmed Maxamed Waxaa soo saaray: Abuubakar Yaasiin Xaaji abuukarsom@hotmail.com Walaalkin omar-farouqna wuu idinsoo gudbiyay Wixii Qalad ama xad gudud ah cumar uma xil saara.... ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |












