User loginShout BoxAbdinur:
SCW/ Dhamaan umucabaas:
scw dhaman walalaha musliminta ah Biduur:
Asc wr ikhwah, dhamman waan idin salaamay. Walaalayaal waxaan ahay xubin cusub oo idinku soo biirtay maanta, marka waxaan rabaa in kheerka idinla faaiideysto inshallah. |
AXKAAMTA XAJKA, CUMRADA IYO ZIYAARADAXajku waa rukniga SHANAAD ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytul-xaraamka "Kacbada" isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan. Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka. Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa. Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan? " Rasuulka (CSW) wuxuu yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) oo la rumeeyo," ka bacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rasuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galo", kabacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yiri:" Xaj lagu baarinimo falo ah"{aan lagu dimbaabin}. Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaah dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno. Bilaha xajku waa bisha Shawaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo). SHURUUDAHA XAJJKA KU WAAJIBO Waxuu xajku ku waajibaa qofkii laga helo arrimaha soo socda. 1) Inuu muslim yahay. Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo. Meelaha laga xirmanayo (xiranayo) Xajka waxaa jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin. * Hadaba waxaa Fiican inuu qofku ka xarmado xajka shantaa meelood ee kor ku xusan maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa Jideeyay. Waxaa jira saddex nooc oo qofka uu u gudan karo xajka. * Culimada Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay. Sidee loo gutaa xajka? * Siyaarada iyo Xunkeeda: Siyaarada Qabriga Nabiga N.N.K.H waa arrin muhiim ah waana sunno mu'akad ah oo ay isku waafaqsan yihiin culimada Islaamka, waxaana soo naqliyay Ijmaacaas culimada ay ka midka yihiin Imaamka la yiraahdo Qaadiciaad wuxuuna ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo "A-shifaa bitacriif Xuquuqil- Musdafaa", Imaam Al-Nawawi kitaabkiisa la yiraahdi "Iidaax Fii manaasikil-xaj", Ibnul Xajar Casqalaani kitaabkiisa la yiraahdo "Fatxul-baari" iyo Showkaani kitaabkiisa la yiraahdo "Naylul-awdaar". Haddaba xaajiyow waxaa lagaa doonayaa marka uu xajku kuu dhamaado in aad aado magaalada madiina si aad u soo ziyaarato qabriga Nabiga N.N.K.H. siyaartaas oo sida aan hore u soo sheegay ah sunno mu'akad ah. Sidoo kale waxaa sunno ah in aad siyaarto masjidka Rasuulka "S.C.W" waxaase la doonayaa in uu qasdigaagu ahaado siyaarta Qabriga Nabiga "N.N.K.H" ama aad jamcido oo aad wada niyaysato. Dadka qaar ayaa yiraahda waxaa loo qasdaa masjidka, arrintaasi sax ma ahan laba sababood dartood: mida hore waxaa weeye: Ruuxa jooga makka waxaa u sahlan in uu ku dukado xaramka oo salaadaas ajarkeeda uu u noqonayo 100.000 dicfi "Waxay la mid noqonee isagoo 100.000 oo salaadood ku dukaday masaajida kale oo aan aheyn labada masaajid ee Madiina iyo Baytul-Maqdas" marka intuu halkaas ka soo tago oo uu soo aado masjidka madiina oo loo laalaabayo salaadii uu ku tukado kaliya 1000 jeer qofkaas wxuuu lumiyay 99000 oo laalaab haddii qasdigiisu yahay Masjidka. Arrinta kale waxa ay tahay: masjidka Rasuulku N.N.K.H wuxuu ka mid yahay waxyaalaha Rasuulka lasiiyay maxaa yeelay Masjidku waxa uu ku sharafoobay Rasuulka "SCW"marka in la yiraahdo ziyaarta Masjidkiisa hala niyaysto ee yaan la niyaysanin siyaarta Nabiga, Hadalkaas waa mid aad u qaldan. Waxyaabaha qofka xajinaya ka xaaraam ah: 1. TALOOYIN GUUD Walaalkeyga Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira caafimaadkiisa waxaana ka mid ah. 1) inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa 1) inay qaataan tikit safar oo go and back ah. Waxaan u rajeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale in Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban Aamiin. Allahayoo Aamiin. Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada haysata uguna bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo. Aaamiin Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin ila dhaha. Wabillaahi Towfiiq Waxaa diyaariyay C/raxmaan Sh. Ciise Axmed "Kumi Yare" ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











