(Qoraal)
Run ahaantii Caqiidadu waa shayga ugu qiimo sarreeya ee laga hadlo ama wax laga qoro, dadkana lagu baraarujiyo, laysuna sheego haddii khalad yimaado.
Caqiidadu waxay leedahay Faahfaahin iyo laamo ka farcama , waxaana loogu noqon kutubta iyo Cutubada u gaarka ah ee culumada waaweyni kaga hadashey.
Waxaanse ku gaabsanayaa "H.I.Y" qoraalkeygan intaan uga jeedo ee aan uga socdo, lana leh xidhiidh toos ah qoraalkan laftiisa aan u ban baxay.
kana hadli doono : -Ineynu sharaxno weedha Caqiido waxay tahay iyadoo ku soo noqnoqon doonta dhamaan qoraalkan intiisa hore ilaa halka ugu danbeysa.
-Ineynu wax ka tilmaaano laamaha caqiidada ka farcama.
-Ineynu Sadex qodob oo la xidhiidha Caqiidada aad u xoojino.
1-SHARAXA EREYGA CAQIIDADA:
Caqiidadu waa : waxa la gunto ee meel lagu xidho, waxaana laga soo qaatey marka la gunto xadhiga Guntintaas ayaa la yidhaahdaa (Cuqda) oo ah wax la xidhey.
Waxase macnaha halkan aynu uga jeednaa yahay:
Caqiido:waa waxa damiirka qofku guntado, qalbigana ku sugnaada, Ilaahayna u jeesta kaligii.
Caqiido waa waxa aanu ka iman karin shaki, kuna jirin male iyo tuhun.**)
Caqiidadu waxay gashaa (In la aamino dhamaan waxa Ilaahay iyo Rasuulkiisu inoo sheegeen ee ka sugnaadey. Ha ahaato jiritaanka Allaah iyo sifaadkiisa la xidhiidha una gaarka ah, ha ahaato Qur'aanka iyo dhamaan waxa ku sugan oo la rumeeyo. ama ha ahaato Rasuulka iyo shareecaduu la yimid oo iyana rumeyn iyo raacitaan dhab ah loola yimaado.
Duuduub ahaan Caqiidadu waxay tahay ee ay koobsaneysaa (Tawxiidka, Iimaanka Shareecada iyo dhamaan Risaalada Rasuulka loo soo dhiibey).
2- WEEDH CAQIIDADA KU SAABSAN.
Waxaynu soo tilmaaney kuna celceliney in Caqiidadu tahay Seeska dhismaheena Muslinnimo, hore iyo gadaalna aanay suurto gal u ahayn iney hagaagto la'aanteed Nolosha Nooluhu.
Waxaana intaa u sii dheer:
1) Qayb wayn oo Muslimiinta ka mid ahi uma yaqaanaan Caqiidadu sidey tahay- ku hadal iyo dhawaaq afka ah mooyee.
- Iyagoon fahansaneyn Ujeeddada laga leeyahay weedhaasi.
- Iyagoon ku fulineyn waxay sheeganayaan Nolosha guudkeeda.
- Mararka qaarkoodna dumiya Tiirarka Caqiidada, shaki ama qalooc ku yimi awgeed, kaas oo dadka qaarkii ogeyn waxa dumiya ama ka soo horjeeda caqiidadiisa uu sheeganayo.
- Taas ayey ku dhacdey inaan loo qaadan iimaanka iyo Caqiida odhaah mooyee wax kale.
- Waxay noqotey mararka qaarkood dhar la qaato oon is lahayn.
- Lagana yaabo inaaney hoosba ugu duxin aqoon-sheegatada badankooda.
Hadaba markeynu dooneyno dhisid labaad...sadexaad....waa ineynu mar labaad ...ugu yeedhnaa Dadka iney ogaadaan Caqiidadu waxay tahay, Iney rumeeyaan iyagoo ka run sheegaya oon ka shakisneyn, kuna dhaqmaan waxay farayso.
Caqiido aan la dhaqan galinna waa sheegasho madhan , hadii laalaabad iyo wali madmadow ku jirana waxay dhaxalsiin kartaa qofkaasi inuu meel xun oo madow ku danbeeyo (Diin ahaan iyo Nidaam Nololeedba) iyo waliba abaal marinta aakhiro oo u dabeysa.
Sidaa awgeed waa in Caqiidada ku hadalkeeda iyo Iimaanka uu la socdaa rumeyn dhab ah oo la xaqiijinayo, sidoo kale waa iney ku xigtaa fulinteeda iyo ku dhaqankii waxay ina fareysey Caqiidadu.
Labadaa Arrimood waa iney la socdaan fahan toosan oo loo leeyahay aqoon saafi ahi.
Sadexdan mid ka mida oo meesha ka baxaa wuxuu sabab u noqonayaa qalooc ku dhaca qofnimadii iyo Nidaamkii loogu talo galay Dadka, waxaaney ku keeneysaa inuu ka baydho jidkii loo jeexey raacitaankiisa (kaasi waa dariiqayga toosane soo raaca, hana raacina Wadiiqooyinka -kale- ee idinka baydhinaya ka toosan). Al-ancaam/153
Waxaana laga yaabaa in qofku rumeeyo, kadibna isku dayo inuu fuliyo isagoon fahmin Ujeedadii iyo habkii caqiidada iyo waxay la imaneyso Ilaahay u dhigey, taasina ku keeni karta qalooc aad u fool xun oo ku dhaca fasiraada iyo fulintaba.
Waxa haboon in loo fiirsado sadexda qadiyadood ee ah(rumeyn dhab ah, fulin la socota, Fahan iyo Aqoon ka horeysa oo saafiya) Ilaahaybaana waafajinta leh.
2)Ta labaad:
Muslimiinta maanta joogta looma dhigo-wadamo badan iyo meelo badan- Caqiidada iyo Islaamku wuxuu fahan iyo camal u baahan yahay.
-Caqiidada laguma dhigo dugsiyo badan oo lagu magacaabo (waxbarashada!).
- kuwa dhigtaana waxay u dul maraan si kooban oon lagu fahmi karin (haka soo qaateen kutub sharax ah iyo xaashiyaha kala duwan ee wax ku kordhiyey hadalkana ku badshey, ama...)
Waxaana nasiib darro leh in Qur'aankii Kariimka ahaa oo yaala, sunadii Nabiga oo saafiya oo dhigan laga doorto Hadal Nin yidhi! iyo caado aynu xaggeeda u xaglinno oo Aabayaal ka soo gaadhney!
-Caqiidadu kama maqna Kitaabka Ilaahay iyo sharaxeeda lala soo dajiyey ee Nabigeena Suubani (scw)ku fasirey si turjuman Risaaladii loo soo dhiibey.
Sidaa awgeed waxa haboon in loo sharaxo sidey u sheegeen, loona cadeeyo sidey u cadeeyeen, lana galin shaki iyo hadalada oo meeshooda laga leexiyo.
Taasi waxay tahay in loo noqdo Caqiidada Saafiga ah ee Kitaabka iyo Sunnadu sheegeyso, inoona soo gudbiyeen dadkii wanaagsanaa ee Rasuulkii u qirey dadka umadan ugu khayr badan iney yihiin, geedna lagaga gaban xaqiiqadu waxay tahay.
3)Arrinka sadexaad:
Waxa hubaal ah in Caqiida sidaa aynu u sheegney lala coleytamayo, kana raali ahayn dadka qaarkood, Cadawgeynu sheegi doonaana la dagaalamayo, taaso oo ay haboon tahay :
-In Caqiidada loo dhiso sida kitaabka iyo sunada Rasuulku ina bartey.
-In laga ilaaliyo dhisidda dabadeed dheeliga.
- In duminta iyo tirtiridda lala doonayo laga hor tago, lagana gaashaanto, iyadoo loo leeyahay Aqoon iyo wacyi fiiro dheeri ku dheehan tahay.
Intaa kaddib waxaan u door bidey hordhaca inaan ku horeysiiyo Qodobadan saddexda ah...:
-Si loo fahmo Ujeedada caqiiddadu waxay tahay.
-In weedhaha "Caqiidada" ee buuga ku soo noqnoqonayaa aaney noqon qaar aan la fahan-saneyn macnahooda iyo sharaxeeda.
-Iyo baraarujin guud inteynaan galin mawduuca dhuuxiisa.
Ilaahaybaana waafajinta iyo Hanuunkaba kaligii iska leh, Haynana garansiiyo xaqqa.
W/Q: Asmaa
Xigasho: altaqwaa.com