User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Carruurta iyo barbaarinta wanaagsanChildrenSida aynu wada ognahay barbaarinta ubadku waa muqadas waxaanay lagama maarmaan u tahay koritaanka maskaxda yar taasi oo u baahan in lagu barbaariyo caqiiqadada Islaamka iyo dhaqanka suuban. Ubadka yaryar waxay aad ugu baahan yihiin waalid ah macalimiin wanaagsan, isla markaana ka kaalmeeya wax kasta oo ay doonistooda ah iyaga oo u humuun qaba wax kasta oo ay indhuhu qabanayaan sidaasi darted waa in lagu dadaalo iyadoo aan laga dalayn wax u sheegida dhalaanka iyo sidii loogu tababari lahaa hab la dhqanka wanaagsan ee bulshada ay la nool yihiin, si ay waayo aragnimo uga helaan dhaqankooda habboon, waxa kale oolagama maarmaan ah in waalidiinta u badka dhalay in ay iska xilsaaraan maadaama ay yihiin halka ay ka soo baxayaan miyaarada laga daawan karo iyo macalinka koobaad, sidaasi darted ayaa waxa dhacda mararka qaar qlooc ku yimaada dhalaanka yaryar iyada aynaan u badka ku eedayn Karin, sababtuna waxa weeye bal u fiirso oo akhriste waalidiinta qaar ka mid ah oo ilaaba amase dayaca xilka culus ee uu ku waajibiyay eebe (S.W.T), kana saara maskaxda yar ee koraysa iyagoo wax ay u sheegaan daaye mararka qaar aad is odhanayso iyaga ayaa dhqan xumada bara, waayo waxa aad arkaysaa hooyo iyo aabo wakhti kasta ku murmaya u badkooda dhexdooda iskuna odhanayaaya erayo aan munaasib ahayn iyo hadalo qaloocan waxaana laga yaabaa in ay taasi dhalliso dhaawac gaadha ama ku yimaada qalbiga carruurta yaryar iyada oo uu ilmuhu ku dhex halaabo, waalidkuan ilaabay xaquuqdii ay ku lahaayeen.Waxaase jira waalid wanaagsan Ilaahayna waafajiyay tawbada toosan iyo sida ay u soo saari lahaayeen ubad wanaagsan, isla markaana qiimeeya ubadkaasi saalixiinta ah.Gabagabadii waxa lagama maarmaan ah in loo dadaalo wax u sheega da? yarta si loo helo caqli fayow iyo maskax ka madhan xumaan oo dhan, oo garanaya dhaqanka wanaagsan iyo diinta islaamka. ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











