User login



Shout Box

Abdinur:

SCW/ Dhamaan

umucabaas:

scw dhaman walalaha musliminta ah

Biduur:

Asc wr ikhwah, dhamman waan idin salaamay. Walaalayaal waxaan ahay xubin cusub oo idinku soo biirtay maanta, marka waxaan rabaa in kheerka idinla faaiideysto inshallah.

Login or register to post shouts
All Shouts

DUCADA MUSTAJAABKA AH!

Wuxuu yiri Rasuulkii Alla, hadii Addoonka Alla wel wel iyo walbahaar haleelo kaddibna yiraahdo:

"Allaahuma innii cabduk, wabnu cabdik, wabnu ammatik, naasiyatii Biyadik, maadin fiyya xukmuk, cadlun fiyya Qadaa'uk, as'aluka bikulli ismin huwa lak, sammeyyta bihi nafsak, aw anzaltahu fii kitaabik, aw callamtahu axadan min khalqik, aw ista'sartau bihi fii cilmi qeybi cindak, an tajcalal Qur'aana rabiica qalbii, wa nuura sadrii, wajalaa xuznii, wadihaaba hammii."

--------------------------------------------------------------------------------

Macnaha ducada. "Allahayow waxaan ahay addoonkaaga, ilmihii addoonkaagii, ilmihii addoontaadii, fooddeyda gacantaadey ku jidhaa, xukunkaaga waa mid igu fulaya, waxaad ii garatay oo aad ii qortay seegi maayo, waana xaq iyo cadaalad, waxaan kugu weydiisan magac kasta oo aad leedahay, aad ku magacowday naftaada, ama aad ku soo aroorisay kitaabkaaga, ama aad cid khalqigaaga ka mida bartay, ama aad cilmi qeybka innaga maqan ka mid dhigtay, cidnana aadan ogeysiin, inaad ka yeesho Qur'aanka xeyskii qalbigeyga, iyo nuurka laabteyda, aan kaga baxo welwelka iyo dhibaatada."

Qofkii sidaa ku duceystaa Alla wuxuu ka saraa murugada iyo ciilka, nasiino, farxad, iyo nasteexana halkeedii u geliyaa..

Waa xadiis saxiix uu soo wariyey al-imaam Axmd.

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:53