User login



Shout Box

manouela:

h

manouela:

how are you

manouela:

how are you

mrfigo25:

asc

paskuwal:

asc

Login or register to post shouts
All Shouts

Ducooyinka Mustaajaabka ah

Ammaan idilkiid Allaah (SW) ayaa iska leh,nabadgelyo iyo naxariisna Nabi Maxamed dushiisa ha ahaato.
Waxaan jeclay walaalayaal in aan halkan idiin ku soogudbiyo duco aad muhiim u ah.

Waxaa la wariyay in { Juwayriyah}, umul mu'miniin (hooyada mu'miniinta) A.K.R .tiri:_
Marbaa waxaa dhacday in Nabigu (S.C.W) iga tagay anigoo fadhiya meeshii aan salaadda subax ku tukaday, ka dibna barqinkii ayuu soolabtay anigoo isla meeshii fadhiya oo wardinaya,Wuxuuna yiri :- {Wali meeshii aan kaga tagay miyaad fadhidaa?} Waxaan iri :- Haah. Wuxuu nabiga (S.C.W) Yiri :-
Waxaan la,imid Afar weerood oo mid walba aan iri sadex jeer, markii aan kaatagay. Hadii weerahaas loo eego (labar bar dhigi lahaa) wardiga subaxan aad la timid oo dhan, way ka miisaan badin lahaayeen. weerahaasina waa:-

SUBXAANNALLAAHI CADADA KHALQIH.
SUB-XAANNALLAAHI RIDAA NAFSIH .
SUBXAANALLAAHI ZINATA CARSHIH.
SUBXAANNALLAAHI MIDAADA KALIMAATIH.

MACNAHA DUCADA:-

Sharaf,Wanaag, Hufid iyo Waynayn tiro ahaan le,eg uunkiisa waxaa mudan {ALLAAH}.
Sharaf ,Xurmo waynayn, hufid idilkeed waxaa mudan ALLAAH tiro ahaan dhan intii raali gelisa Isaga (ALLAAH). Hufid Waynayn, Xurmayn, Idilkeed Waxaa mudan {ALLAAH }udhiganta inta uu le,eg yahay Carshigiisa . Sharaf, Hufid, Xormayn, Weynayn tiro le,eg inta ay kalmadihiisu yihiin waxaa mudan {ALLAAH}

WQ/ S. Xaajiali.

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:52