User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Fadliga Xajka

Fiqhiga
قال تعالى "ولله على الناس حج البيت من استطاع إليه سبيلا"

وقال رسول الله صلى الله عليه و سلم"الحج المبرور ليس له جزاء الا الجنة"رواه الشيخان

Sida lawada ogsoonyahey waxaa nagu soo fooleh bishii barakeysneed ee Dul-xijjah.

Bishaanu Mu?miniinta dhexdeeda waxay leedahey qiima aad u weyn waana bisha Ilahey ku waajibiyey Ummadan iney gutaan Rukni ka mid

ah arkaanta Islaamka ee xajka.

فضائل الحج

Xajku walaalyaal waa mid ka mid arkaanta diinta Islaamka . axaadiith fara bada yaa waxay cadaysay fadliga xajka; Axaadiithtaas waxaa ka mid ah xadiith laga wariyay saxaabiga la yiraahdo Abuu hurayrah قال رسول الله صلى الله عليه و سلم"الحج المبرور ليس له جزاء الا الجنة"رواه الشيخان

Rasuulku wuxuu yiri : xajka mabruurka ah (loo la yimaad si waafaqsan sharciga ) abaalkiisu ma aha waxan janna aheyn.

Sidaa oo kale abuu hurayrah waxa laga wariyey in Rasuulku yiri :

"من حج فلم يرفث ولم يفسق رجع كيوم ولدته أمه"رواه الشيحان فى صحيحيهما و الترمذى فى سننه و الاملم مالك فى الموطأ

Ruuxii xajiya oo aan xumaan iyo fisqi la imaan wuxuu laabtaa asagoo danbiga kala mid ah maalintii hooyadi dhashey.

وجوب الحج

Xajku waa waajib sida Ilaahey Aaayddan ku cadeeyey

"ولله على الناس حج البيت من استطاع إليه سبيلا"

?Ilaahey dadka wuxuu ku leeyehey iney xahjiyaan Baytkiisa; ruux kasta oo awood uleh?

Sidaa si la mid ah ayaa Rasuulku SCWS noogu sheegey waajibnimada xajka xadiith laga wariyey Abuu hurayrah

: قال رسولالله صلى الله عليه و سلم
:يا أيها الناس قد فرض الله عليكم الحج فحجو"رواه مسلم و النسائى

?Dadoow Ilaahey SW wuxuu idun ku waajib yeeley inaad xajisaan ee xajiya ?.

Walaalayaal xajku wuxuu ku waa jibaa ruuxa asal aahn hal mar ah sida laga qadanyo qeybta danbe xadiithkan kor ku xusan nin ayaa Rasuulka CSWS wuxuu ku yiri أكل عام يا رسول الله؟ فسكت حتى قالها ثلاثا فقال رسول الله صلى الله عليه و سلم لو قلت نعم لجب ولما استطعتم" رواه مسلم و النسائى

?Ilaahey Rasuulkiisiiyoow ma sanad kasta ayuu nagu waa jibyaa ?.Rasuulku SCWS waa uu ka aamusey ilaa seddex jeer uu ku soo celiyey ,markii danbe ayaa Rasuulku wuxuu yiri haddii aan oran lahaa haa (nacam) waa uu idunku waajibilahaa mana aydnaan awooden ?.

Istidaacada Ilaahey sheegey ama karitaanka macanahiisu waa
أن يكون قادرا على الزاد و الراحلة ، فضلين عن مؤنة من تلزمه مؤنته ذهابا و إيابا

In ruuxu heli karo sahay iyo rukuub ama wixii uu raaci lahaa; labadaas oo dheeraad ka ah biilka dadka nafaqadoodu ku waajibtay sii socod iyo soo socod.

Walaalayaal culamado waxey intaa raaciyeen in aan ruuxa dayn lagulaheyn.

C/qaadir macalin Aadan,
Email: gureycm3@hotmail.com

Submitted by Ahmed on Fri, 07/24/2009 - 14:21