User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

FADLU THIKRI (QAYBTA MAANTA)

Mahad iyo ammaan dhamaanteed ilaah ayay u sugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariis nebi muxamad korkiisa ha ahaato....... Intaas kadib....... Hadii alle idmo waxaan soo qaadanaynaa qormooyin ku saabsan fadliga xuska alle oo ay kamid yihiin SUBXAANALAAHI WABIXAMDIH IYO DUCOOYIN KALE,,,, hadabo xadiith ayaa wuxuu leeyahay ruxii yiraahdo (subxaana laahi wabixamdih) 100 jeer marka uu waaga u baryo 100 na yiraahdo galabkii ma imaado maalinta qiyaamaha qof ka fadli badan wax uu layimid qofkaas illaa ruux layimid ama ku qowlay inta qofkaasi la yimid oo kale mooyee misana kabadan layimid = waxaa warayay muslim;

xadiith kale wuxuu leeyahay ruuxii yiraahdo 10 jeer {laa ilaaha illalaahu waxdahu laa shariirka lahu, lahul mulku, walahul xamdu, wahuwa calaa kulli shey'in qadiir} wuxuu lamid yahay ama la ajar jahay ruux xoreeyay afar nafood ama 4 qof oo kamid ah awlaadii ismaaciil ama dhashii ismaaciil =albaani waa saxiix ayuu yiri

xadiith kalana waxaa uu leeyahay ruxii 100 jeer yiraahdo markuu waabariisto (laa ilaaha illalaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahulxamadu wahuwa calaa kulli shey'in qadiir) wuxuu lamid yahay asagoo xoreeyay 10 ruux, 100 xasanaad ayaa loo qoraa, 100 dambina waa laga dhaafaa, waxayna maalintaas ka gaashaantaa shaydaanka ilaa iyo inta uu ka gabal dhacsanayo, mana imaado qof ka fadli badan qofkaa waxa uu liyimid qiyaamaha, ruux layimid intaas oo kale mooyee ama ka badan layimid mooyee = waxaa wariyay muslim iyo bukhaari

hadabo walaalayaal aan ku dadaalno sidii aan ku kasban lahayn waxaas oo ajir ah iyo raali ahaanshaha illaah,

subxaana laah wabixamdih waa kalmado fudfud, miisaankana ku culus, ilaah xagiisana loogu jecelyahay, sida uu sheegay rasuulki alle (scw) hadabo u fiirso kalmadahaan fudaydkooda iyo waxa ajir lagu sheegay maan afka ku hayno oon iska aruursano xasanaadkaas faraha badan ee la sheegay, hadabo dhamaanteen waxaan noo dardaarmayaa cabsida alle iyo u adeegidda diinta rabbi waxaana idinka raali galinayaa wixii khalad ah ee ku jiro qoraalkayga khayr ayaana idiin rajaynayaa wblh towfiiq wasalaau calaykum

c/maalik xassan (zarqaawi)

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:50