User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda

Waxaynu bartamaha uga jiraa bisha barakaysan ee Ramadaan, oo can ku ah inay tahay bishii la soo dajiyay Quraanka xikmadda badan, oo ah hagaha qofka muslimka ah dunidan aynu joogno.

Muslimiinta dhamaan meel walba oo ay joogaan waxay badiyaan bishan Ramadaan la noolaashaha Quranka iyaga oo isku daya inay uga faa?idaan siyaabo kala duwan, laga bilaabo ku caabudid Ilaah akhrintiisa illaa laga gaaro ka raadin xalka dhibaatada haysato.

Hadaba akhrintaydii Quraanka bisha Ramadaan ayaa waxaa isoo jiitay mawduuc aan isleeyahay waa baahida koobaad ee umadda Soomaaliyeed xilliga aynu joogno, isla markaana ay haboontahay in lawadaago doodiisa.

Taa oo ah Quraanka sida uu u hogatusaaleyay dowrka ay nabadda ku leedahay nolosha iyo Quraanka isku xirka layaabka leh ee ku sameeyay nabadda iyo Iimaanka, waxaa intaa sii dheer in habeenka Quraanka soo dagay Ilaah (sw) ku tilamaamay habeen nabad galyo leh..

Hadaba qoraalkan waxaan ku qaadaadhigi doonaa siyaabaha kala duwan ee ayadaha Quraanka inoo dareensiinayaan in amaanka iyo Iimaanku ay u yahiin labo aanan kala harin, in Quraanka goobta ugu barakaysan dunida (Makka) ay noqotay tilmaanta ugu wayn ee uu Quraanka huwiyay inay tahay goob nabdoon, in Ilaah (sw) u yaboohay dadka rumeeya in nabadi ku naaloon doonaan iyo tan ugu danbaysa oo ah in meesha loo socdo oo ah Aakhiro erayada dadka nasiibka u yeesha Jannada lagu soo dhawaynayo ay ugu harooyso ?Ku soo dhawaada nabad galyo?.

1. Ilaah (SW) waxuu ka waramayaa dood dhexmartay nabi Ibrahim (CS) iyo gaaladii uu la noolaa kadib markii ay ugu hanjabeen inay talaabo ka qaadayaan. Ibraahiim wuu xujeeyay gaaladii oo waxuu ku yiri: ? Keebaa labadeena mudan nabad iyo amaan ? Ma kuwa Ilaah inay rumeeyaan diiday ayaa halis iyo amaan daro qarka u saaran ama kuwa Iimaanka leh?. Ilaah (sw) waaxuu ku yiri ?Kuwa Xaqqa rumeeya een ku dheehin iimaankooda gaalnimo kuwaas ayaa mudan nabad galyo ?. Hadaba waxaa ku cad labada aayad in Ilaah (sw) uu sheegay in nabad galyada iyo Iimaanka ay yahiin lamaano, waxayna nabad galyada tahay astaanta dadka muminiinta ah. Sidoo kale ayadda 55aad ee Suuradda Al-nuur Ilaah (sw) waxuu u balan qaadayaa dadka isaga rumeeya in cabsida ka dulqaadayo oo uu dhaxalsiinayo nabad galyo.

2. Ilaah (sw) waxuu ku tilmaamay goobta dunida ugu barakaysan (Kacbada) inay tahay goob nabdoon, waxuuna yiri ? Xasuuso markaan ka yeelnay guriga (Kacbada) meel dadku ku kulmaan oo nabad galyo ah?. Nabi Ibraahiim (cs) oo dhisay Kacbada, Ilaah waxa uu ka baryay, in Makka ka dhigo goob nabdoon, sababtu waxay tahay Ibrahim waxuu ogaa in nabaddu tahay udub-dhaxaadka nolosha.

3. Ilaah (sw) waxuu tusaale u soo qaatay mar uu ka waramayay magaalo ku talaabsatay horumar iyo barwaaqo, waxuu sabab uga dhigay in magaaladu nabad iyo kala danbayni ka jirtay. Ilaah waxuu yiri ? Eebe waxuu tusaale u soo qaatay magaalo ku jirtay nabad oo xasilooni iyo nolol barwaaqo ah oo uga timaado meelwalba oo dunida kamid ah???. Waxaanu ayadan ka dheehan karnaa in amnigu yahay bilaawga nolol qiimo leh.

4. Jannada waa meesha uu higsanayo qofka muminka ah ee mudan in loo tartamo, Ilaah waxuu amray dadka isaga rumeeyay inay u tartamaan hoygaa wanaagsan ? U tartama danbi dhaaf Ilaah iyo Janno balarkeedu dhanyahay ciraraka iyo dulka, waxaa loo diyaariyay dadka Ilaah ka baqa? hadaba hoygaa maamuuska leh Ilaah dadka nasiibka u yeesha ereyada lagu soo dhaweynayo looguna bishaaraynayo waxay yahiin ?ku soo dhawaada nabad galyo iyo amaan ?.

Dhamaan ayadaha Quraanka xakmadda badan ee aanu kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo badan waxay si toos ah isugu xirayaan amaanka iyo Iimaanka, oo micnaha waxa uu noqonayaa umadda hadii ay Iimaan dhab ah leedahay Ilaah ma bado xaalad amaan daro sababtoo ah; amaan darida waxaa ku baraara waxwalba oo caro galiya Ilaah (sw), oo uu ugu horeeyo dhiig Muslim oo la daadiyo, hantidiisa iyo sharaftiisa oo la banaysto iyo ugu danbayn inay dhacdo in cibaadaadka Ilaah la gudan waayo, sida xaaladda hada ka jirto Soomaaliya, oo masaajidii laga caagay cabsi darteed.

Amaanka ama amaan daridu waxay qaabaysaa umadda diinteed, fikirkeeda, nolasheeda iyo natiijada maalinta danbe ay ka heli doonaan xisaabka Ilaah. Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dad oronaya Diintii ayaa baraartay intii ay dowlad la?aanta jirtay, dhaqaalahii ayaa kobcay, waxbarashadii ayaa tanaaday, dhulkii ayaa dhismay, ilbaxnimo ayaa la gaaray. Su?aasha la waydiinayo waxay noqonaysaa; Haddaba aaway diinta baraartay soo tan astaanta dadka muminiinta lagu garto oo ah nabad kuwada noolaasho nalaga la?yahay? aaway dhaqaalaha kobcay, soo tan Soomaalida dunida kaalinta ugu hooseeyso kaga jirto, aaway dhulka dhismay, ma qabuuraha aad moodo goobtii lagu halaagay reer caad? aaway ilbaxnimada, ma taleefoonka gacanka geelayda ay wadato ayaa ilbaxnimo ah? aaway waxbarashada tanaaday, ma umadda la dhalan rogay ee waxwalba oo aduunka umad jiritaankeed dhiba lagu talaalay ubadkeedii mustaqbalka ayaa waxbarasho ah?. Hadii ay noqoto inaanba ku raacno waxaa oo dhan inay jiraan, maxay uga sii dareeysaa xaaladda umadda, oo maalinba ay ugu loogantahay cadaw hor leh.

Waxay ila?tahay jawaabtu inay tahay in xaalada taagan uu sabab u yahay caqliga iyo dhaqanka fadqalalaha ku dhisan, loona baahanyahay mid ka gudba caqliyadaa, oo la yimaado odoros iyo talaabooyin nabadayn iyo wada noolaasho, taa oo loo marayo in qof?walba uu naftiisa ku ababiyo inuu dareensiiyo nabadda inay tahay nolsoha oo dhan, sida Ilaah-ba (sw) uga faalooday Quraankiisa, taana ay ina gaarsiin karto in umaddu idilkeed dareento nabad kuwada noolaashaha inuu yahay wax lagu khasbanyahay mar hadii la doonayo in magaalo lagu sii noolaado, ilbaxnimana waxaa lagu gartaa sida umadda ugu bisishahay wada noolaashaha ee laguma garto dabaqyo dhaadheer ama qalab, luqad, dhaqan aad soo dhoofsato.

C/raxiim C. Shaafici

---------------------------------------------
Suurat Al-ancam, ayadda 81
Suurat Al-ancam, ayadda 82
Suuradda Al-baqara, ayadda 125aad
Suuradda Al-naxl, ayadda 112aad
Suurat Al-xadiid, Aayadda 21aad
Suurat Al-xijr, Aayadda 46aad

Submitted by Fatimah on Sat, 07/25/2009 - 01:03