User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Gabaryahay inta aan lagu xisaabin is xisaabiWaxaa qortay: Caasho Cali xasan Waxaa laga soo guuriyey qisadaan kitaabka Sidaa ayay walaashay ahayd ilaa uu ku dhacay xanu-un aan caadi ahayn ayna noqotay mid dul taal furaashkeeda. Habeen habeenada ka mid ah ayay ii yeertay ?Kaalay Hanaa agtayda ayay itiri?, ma aanan awoodin inaan diido anigoo og wanaageeda iyo runteeda. Cod ay cabsi ku jirto ayay igu dul akhriday aayaadkii quraanka ahaa {Naf walba waxay dhadhaminaysaa geerida waxaan loo oofinayaa maalinta qiyaame camalkii ay la timi}, way aamustay, wax yar ka bacdi ayaay itiri miyaadan rumaysnayn geeri-da?. Wax yar ka bacdi iyadoo qol mugdi ah ku dhex jirta ayaan ku iri sanadka miyaadan noo raaceen fasaxa waxaan rabnaa inaan magaalo kale aadno, si kadis ah ayay iigu jawaabtay waxayna tiri ?laga yaabee inaan sanadkaan u safri doono safar fog walaal Hanaa Ilaah ayay noloshu gacantiisa ku jirtaa waxayna bilawday inay ooydo. --Waxaa hadda ka hor walaashay lagu sheegay in uu hayo cudur xun oo aan laga badbaadi Karin laakiin iyada waa laga qariyey-markay ooyday ayaan u maleeyey in loo sheegay xanuunka haya, wax-aan ku iri maxaa la ooyaysaa ma xanuun baa hadda ku haya waxy iigu jawaabtay ?ma wax-aad u malaynaysaa inaan cudurka ihaya la ooy-ayo waxaa laga yabaa inaan ka cimri dheeraado dadka ugu caafimaadka badan, adiguse ilaad goormaad noolaaanaysaa inkasta oo aad noolaato waxaa ka dambeeya geeri? gacanta ayaay isoo qabatay ayay tiri ?wax farqi ah inoo ma dhaxeeyo kuligeen waan guuri waxaan ka tagaynaa aduunyadan ama janno ama naar miyaadan maqal hadalkii Allaah uu quraanki-isa ku yiri { Qofki ka badbaada naara janadana la galiyo ayaa ah mid guulaystay}. Waan ka dhaqaaqay iyadoo ileh ha ilaawi salaadda ilaa-hay ha ku hanuuniyee. Subaxdii sideedaad ayaa anigoo hurda laygu soo garaacay albaabka mana ahayn waqtigii lay kicin jiray, waxaan maqlay oohin waxaan is iri ?yaa rabi war tolow maxaa dhacay?. Xaalkii walaashay Nuuro ayaa sii xumaaday, aabahay ayaa u qaaday cusbataalka. Muddo dheer ka dib markii aan sugay akhbaartii Nuuro, saacaduna ay gaartay Kowdii duhurni-mo ayaa aabahay taleefoon soo diray, wuxuu noo sheegay inaan soo booqan karno. Hooyaday ayaa waxay ii sheegtay in hadalka aabe ahaa mid welwel iyo walbahaar ka muuq-do. Shukadii ayaan qaadatay waxaan u yeernay dareewalki gaariga si degdeg ah ayaan u kor-nay gaariga. Cusbataalka oo aad nooga fogaa waxuu ila noqday mid dhow. Hooyaday ayaa dhinacayga fadhiday iyadoo leh ?waxay ahayd gabar saalixad ah oo i adeecda waligay ma arag iyadoo waqtigeeda dayacda?. Waxaan galnay albaabkii cusbaataalka, wax sii dhex marnay dadkii cusbataalka jiifay, dhegahayga waxaa ku soo dhacayay iyadoo la leeyahay ?kan halka jiifa waa indha beelay, kana shil ayuu galay, kana waa gubtay, halka mid ayaa dhintay oo laga qaaday? dadka meesha jiifayna way il dar-naayeyn waxan kala garan waayey in ay yihiin dad aakhiro ama dad aduun. Jaranjar ayaan si degdeg ah ku fuulnay, waxaa naloo sheegay in walaashay la dhigay qaybta dadka khatarta ah la dhigo, waxaa na soo kaxeeyay gabar ka mid ah gabdhaha kalkaalisada, waxey noo sheegtay inaan loo ogolayn qof ka badan inuu u galo. Waxaa markii hore u galay hooyaday, laba daqiiqo ka bacdi waxay ka soo baxday iyadoo aan awoodin inay qariso oohinteeda. Aniga ayaa galay, waxayna i siiyeen laba daqiiqo iya-goo ileh haku badin hadalka. Ka dib markii qoraxdu dhacday waxaa la soo sheegay in ay Nuuro dhimatay. Makala sooci karin qof yimi iyo wax la yiri yaa Allaah xagee anigu joogaa maxaase dhacay, waxaan kari waayay oohintii markaa ka dib aabahay ayaa gacanta I qabtay waxaan baxnay si aan u saagootino. Markii aan eegay iyadoo sariirta saran oo mayd ah waxaan xusuustay aayadii aay akhriday oo macnaheedu ahaa {marka ay luguhu isku marmaan sakaraadka awgii ala xagiisan loo kaxeeyo}. Ka bacdi waxaan xusuustay inaay ahay mid iigu ducaysa hanuunka oo jecel in Alaah i hanuu-niyo. Waxay ahay mid habeeno badan ooyday iyadoo iiga sheekaynaysa geerida iyo xisaabta aakhiro, ilaahow ii gargaar. Makii aan guriga imina waxaan arkaya sujaayaddii ay had iyo goor ku tukan jirtay iyo kitaabkii ay akhrin jir-tay, waxaan kale oo aan xasuustay inay caawa tahay habeenkii ugu horeeyey ay u hoyatay qabriga markaas ayaan ooyay ayaamihii iga dayacmay, waxaan Ilaahay ka baryaaya in ilaah ii naxaristo, iina dambi dhaafo. Si kedis ah ayaan naftayda waxaan u waydiiyay haddii aan ahaan lahaa anigu qofka dhimatay xagee lay gayn lahaa, muxuu masiirkaygu noqon lahaa? Waa su?aal looga baahan yahay in ay gabar kasta nafteeda waydiiso. Waxaad kale oo aad naftaada waydiisaa ?haddii gabadhii habeen iyo maalin tukanaysay oo gudanaysay waajibaadka lagu leeyahay ay tiri markii ay naftu ka bax-aysay ?safarkaygu waa fog yahay sahayday-duna waa dheertaahy? adigu xagee joogtaa?. Gaar ahaan gabdhaha aan waqtigooda ka faaii-daysan oo aan xisaabin naftooda xagee buu noqonayaa masiirkooda iyo meesha Allaah uu gaynayo markay geeriyoodaan ka bacdi. Ilaahay ha na asturo, walaalayaal Ilaahay ha na hanuu-niyo. Walaalayaalow aan dadaalno oo aan cibro ku qaadano qisadaan iyo aduunku inuu yahay meel aan la joogayn aan rabi u noqono. Waqtiga yar aan aduunka joogno aan ka faaii-daysano oo jirkeena iyo diinteena aan xifidno. Walaalyaalow jirkeenu waa cawro ilaahay aan ka baqno, kulaylka aduunka ayaan u adkaysan la?nahay ee sidee ugu adkaysanaa kulaylka aakhiro, rabbi ha inaka badbaadiyo ee aan khi-laafno hawadeena oo diinta aan raacno. Waxay tiri Hanaa ? maalintii ay walaashay dhi-matay waxaan bilaabay inaan guto waajibaadka laygu leeayhay, haddii aan maqlo aadaanka salaada subax waan kacaa waxaan dareemay in walaashay ay ku jirtay raaxo iyo deganaansho aniga iga maqnayd markii aan daawashada fil-maanta ku daahi jiray. Walaalyaal haddaad waabariisato ha sugin galab, hadaad galabaysa-tana ha sugin subax. Wabilaahi Tawfiiq..... Source: Aflax ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











