User loginShout Boxmanouela:
h manouela:
how are you manouela:
how are you mrfigo25:
asc paskuwal:
asc |
Imaamul BukhaariDadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) waana kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan An-Nisaa’i . Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga (scw) barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil Xadiis. Dhalashadii Imaam Bukhaari (raxima hu laah) Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw). Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis. Barashadii sii Cilmiga Xadiiska Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaauu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al_Kabiir.” Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaan Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba koobi karo. Arrimihii dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil ooy Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri: Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra. Axaadiista waa qoran jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna ka sixi jirney xifdiga Bukhaari. Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn. Imaamku waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa kamid ahaa “Waxaan rajeynayaa innaan Allaah la kulmo, Annoon la iga xisaabin qof aan xantay.” Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey xagga zaahidnimada. Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn gaabnayna, wuxuu ahaa nin timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan badan aadna deeqsi u ah, xataa waxaa la wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado badan wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu dhamayn jiray maalin kasta. Kheyr kuu lahaa Bukhaari qoraal kan yar laguma soo koobi karo. Hadaad fadaa’ishiisa rabto bal aqri tarjumada Imaam Ibnu Xajar Al casqalaani kaqoray Imaamka ee ku taal hordhaca kitaabka uu ku sharxay Saxiix-al-Bukhari oo lagu magaacabo Fatxul Baari oo runtii isna u baahan in mar gooni ah laga sheekeeyo, waxaase kusoo koobaynaa waa kitaabka ugu qaalisan kutubta lagu sharxay Saxiix Albukhaari dhinac walbaba. Geesimadii Imaamka Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada dowlada). Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin dul migaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada). Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahay na waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn. Geeridiisii Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen. Gabagabadii Waxaan kafaa iidaysanaynaa sida culimadu ay uga run sheegayaan cilmigooda ayna ugu adag yihiin diintooda dhib kasta oo ay kala kulmaan iyo inaysan isu dulayn qof ay bidayaan Mansab ama meeqaan dheeri ah, waxaa kaloo muhiim ah oo ogaanay in dadka ahlu xaqa ah la dhibi jiray xataa xili hore, ilaa Saacadu kadhacdona waa jirayaa dhibkaas marka waxaa nalooga baahan yahay Sabir dheeraad ah. Waxaa iyana la oran karaa waa Mucjiso Shiikh dhintay 1200 oo sano kahor oo hadana caan ka ah Caalamka Muslimiinta oo dhan, taasna waxuu ku mutays tay, wuxuu jeclaaday Illaahay iyo Nabigiisa iyo Sunada Rasuulka oo uu xifdiyey oo ilaaliyey Illaahayna wuxuu ku abaal mariyey inuu magiciisu waaro loona duceeyo ilaa uu jiro qof Jecel Nabi Maxamed warkiisa (scw). Gabagabdii Imaamul Bukhaari waa bashar inagoo kale ah wuu gafaa wuuna asiibaa ma’han macsuum sida Malaa’igata ama Nabiyaasha (cs) wuxuu asiibay waan qaadan wuxuu ku gafayna waynu katagi sidaa waxaa ahaa hadalkii Imaamul Maalik ilaahay ha u naxariistee “qof kasta hadalkiisa waa laqaadan waana latuuri ilaa qabrigaan saaxiib kiisa ma’ahane” wuxuuna ula jeedaa Rasuulka (scw), Bukhaari ilaahay baan jano iyo wanaag uga rajaynaynaa Ilaahow Firdowsa kugu abaal mari, inagana ilaahay hanagu anfaco Cilmigiisa. Fg: Kitaabkaan waa dhaxal uu nooga tagay imaamku cidnana aan laga lahayn aadna u fudud oo labaran karo ee yeynaan ka qadin dhaxalkaas wanaagsan, intaan kuma dhama Taariikhdii Imaamka waa qayb kamida wuxuu ka raadsan karaa qofkii siyaado raba kutub taan iyo kuwa kaloo fara badan. Muqadama Fatxul baariga Xaafid ibnu xajar Siyaru aclaamu Nubalaa Imaamu Thahabi W/Q: Asmaa ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











