User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

In ka badan 100 camal oo jano ku gaadhsiinaysa

Nebigeenu wuxuu yidhi: (Qofkii hanuun dadka ugu yeedha wuxuu leeyahay ajar la mid ah ajarka dadka raaca). Wuxuuna yidhi: (Qofkii khayrka dadka tusaa wuxuu la mid yahay ka sameeya). Hadaba ma jeceshahay in adigoo gurigaaga ama xafiiskaaga fadhiya aad hesho ajarka intaa leeg. Hadii gole (group) kale aad xubin ka tahay ama asxaabtaa u gudbi.

1. Tawxiidka Ilaahay :Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii dhinta isagoon Ilaahay waxba u shariik yeelayn Janada ayuu galaa.

2. Qofkii ashahaata markuu dhimanayo: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii uu noqdo hadalkiisa ugu dambeeyaa: Laa Ilaaha Illa laah waxaa u waajibtay Jano.

3. Qofkii tukada salaada fajarka & casarka: Nebigu Wuxuu yidhi: Qofkii tukada labada qabow jano ayuu gelayaa.(Fajarka & Casarka). -Salaadihii kalena waa la socdaan-.

4. Xifdinta Magacyada Ilaahay: Nebigu wuxuu yidhi: Ilaahay wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan magac qofkii xifdiya janaduu galaa.

5. Mu?adinka oo markuu adimayo lala yidhaahdo aadaanka: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii la yidhaahda mua?adinka aadaanka (markuu adimayo) isagoo yaqiinsan janada ayuu gelayaa.

6. Tegida masjidka (salaad u aada): Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii u jarmaada ama u caraaba masjidka Ilaahay wuxuu uga diyaariyaa janada marti qaad mar walba oo uu jarmaado ama caraabo.

7-9. Saddexdan camal: Nebigu wuxuu yidhi: Saddex Ilaahay wuxuu u damaano qaaday; hadii uu noolaado inuu kafeeyo, hadii uu dhintona inuu jano geeyo: 1) Qofkii gurigiisa salaan ku soo gala. 2) Qofkii masjidka u kaca. 3) Qofkii Ilaahay dartii u jihaada.

10-11. Qofka wax tara miskiinka & xaaska laga dhintay: Nebigu wuxuu Yidhi: Qofka u shaqeeya ee wax tara miskiinka & haweenta laga dhintay wuxuu la mid yahay ka Ilaahay dartii u jihaadaya.

12-15. Qofkii kulansada camaladan: Nebigu wuxuu yidhi: qofkee maanta waa bariistay isagoo sooman?, qofkee maanta raacay janaaso (mayd la soo aasayo), qofkee maanta miskiin wax siiyey?, qofkee maanta qof xanuunsanaya soo booqday?. Qofkii intaa kulansadaa janaduu galaa.

16. Daacadda Nebiga: Nebigu wuxuu yidhi: Ummadayda oo dhan janada ayey gelayaan qofkii diida mooyee... qofkii i adeecaa janaduu gelayaa, qofkii i caasiyaana wuu diiday.

17-19. Qofkii ka berii noqda kibirka, khiyaanada & daynka: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii dhinta isagoo sadex barii ka ah janaduu gelayaa; kibirka (isla weynida), khiyaanada iyo daynka.

20. Qofkii caruuri u saqiirto (iyagoo yar yar ka dhintaan): Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii ay ka dhintaan sadex caruur ahi janada ayuu gelayaa. Wuxuuna yidhi: Miyaadaan ku farxeen albaab walba oo janada marka aad timaado in aad ka hesho (caruurtii) iyagoo ku sugaya.

21. Qofkii raadsada (dalba) barashada cilmiga: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii raaca wado uu ku raadsanayo cilmi(cilmiga shareecada) Ilaahay wuxuu ugu fududeeyaa dariiq uu ku gaadho jano

22-27. Iimaanka, Sadaqada, Hadalka wanaagsan, Qof taag daran oo loo gargaaro, Qof aan farsamo aqoon oo loo sameeyo, Dhibka la iska daayo. Abu Dar wuxuu yidhi Nebiga ayaan weydiiyey, waxaad ii sheegtaa camal hadii adoonku sameeyo janada uu ku gelayo. Nebigu wuxuu yidhi: Ilaahay ayuu rumaynayaa, waxaan idhi Rasuulkii Ilaahayow iimaanka waxaa weheliya camal. Wuxuu yidhi wuxuu ku qancayaa wixii Ilaahay ku irsaaqay, waxaan idhi hadii uusan waxba haysan oo gacma madhan yahay, wuxuu yidhi Nebigu hadal wanaagsan ayuu odhanayaa, waxaan idhi hadii uusan odhan karin oo hadli karin, wuxuu yidhi wuxuu u gar gaarayaa qof taag daran, waxaan idhi hadii uu daciif yahay oo uusan awood lahayn, wuxuu yidhi mid aan farsamo lahayn ayuu wax u samaynayaa, waxaan idhi hadii isaguba aanu farsamo aqoon, Abu Dar wuxuu yidhi: Nebigu intuu i soo eegay ayuu yidhi ma rabtid saaxiibkaa in aad u reebto wax khayr ah, ee dadka ha ka haysto dhibkiisa, waxaan idhi Rasuulkii Ilaahayow tani waa kelmad fududayn ah, Nebigu wuxuu yidhi: Ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartee ma jiro adoon u samaynaya Ilaahay dartiiacmaashaa mid ka mid , hadii uu jiro camalkiiayaa gacanta qabanaya maallinta qiyaame ilaa uu ka geliyo janada.

28-30. Xoolaha oo maalis loo bixiyo, Salaanta oo la radiyo (qaado), Qofka hindhisa oo laga farxiyo (loo duceeyo). Nebigu wuxuu yidhi: Afartan camal -oo ka ugu sareeyaa yahay ri? la is maaliyo- ma jiro qof sameeya mid ka mid ah isagoo rajaynaya ajarkeeda oo rumaysan wixii loo ballan qaaday, hadii uu jiro Ilaahay janada ayuu geliyaa.

31. Runta Nebigu wuxuu yidhi: Runtu qofka waxay ku hanuunisaa wanaaga (sama falka) wanaaguna qofka wuxuu ku hanuuniyaa janada.

32. Tasbiixda Salaadda dabadeed: Nebigu wuxuu yidhi: Ma idiin sheegaa arrin hadii aad samaysaan aad ku gaadhaysaan kuwii idin ka horeeyey, kuwa idin ka dambeeyaana aanay idin soo gaadhaynin, kuwa aad la joogtaana aad kaga khayr badanaysaan; qof iyadoo kale sameeya mooyee. ?Waad tasbiixsanaysaan (Subxaana Allaah), oo taxmiidsanaysaan (Alxamdu Lilaah) oo Takbiirsanaysaan (Allaah akbar) salaad walba dabadeed saddex iyo sodon jeer (mid walba).

34. Tasbiixda marka la seexanayo: Nebigu wuxuu yidhi: Laba arrimood hadii uu ku camal falo ruuxa Muslimka ahi janada ayuu gelayaa, wayna fudud yihiin, inta ku camal fashaana way yartahay: a. Ilaahay ayuu ku tasbiixsanayaa salaada ka dib toban jeer, wuuna mahadinayaa toban jeer, wuuna ku takbiirsanayaa toban jeer. Taasi carabka waa boqol iyo konton jeer (30x5), miisaankana waxay ku noqonaysaa kun iyo shan boqol 150x10). b. Hadii uu furaashkiisa tago (markuu seexanayo) wuu tasbiixsanayaa, oo Taxmiidsanayaa, oo takbiirsanayaa boqol jeer (33 tasbiix, 33 taxmiid, 34 takbiir), taasi carabka waa boqol miisaankana waxay ku tahay kun. Hadaba kiinee ayaa maallintii samaynaya laba kun iyo shan boqol oo xumaan ah.

35. Caruurta gabdhaha ah iyo gabdhaha walaalada ah oo loo samo falo: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii lagu ibtileeyo wax gabdho ah oo u wanaag sameeya waxay xijaab uga noqdaan cadaabta. Wuxuuna yidhi: Qofkii masruufa laba gabdhood (oo uu dhalay) ama laba walaalihiis ah ilaa uu uga dhiso ama uu ka dhinto, aniga iyo isgau sidaa ayaan isu nahay janada (Nebigu wuxuu tilmaamay labadiisa farood; ta dhexe iyo ta xigta).

36-37. Dhowrista afka (carabka) iyo hoosta: Nebigu wuxuu yidhi: Yaa ii damaano qaadaya -inuu xumaan ka dhowro- waxa u dhexeeya labadiisa daan (carabka) iyo labadiisa lugood oo aan u damaano qaadaa jano.

38. Xishoodka: Nebigu wuxuu yidhi: Xishoodku iimaanka ayuu ka mid yahay, iimaankuna janada ayuu ku suganyahay, af xumiduna waxay ka mid tahay qalafsanaanta, qalafsanaantuna naarta ayay ku sugantahay.

39. Laba iyo toban rakcadood oo suna ah qofkii tukada maallintii: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii tukada maallintii iyo habeenkii laba iyo toban rakcadood oo suna ah (suna ka horeeya ama ka dambeeya salaadda faradka ah) Ilaahay wuxuu uga dhisaa janada guri.

40-44. Qofkii daa'ima acmaashan: Nebiga nin ayaa weydiiyey waxaad ii sheegtaa wax ii dhawaynaya janada, naartana iga fogaynaya? Nebigu wuxuu yidhi: waa la waafajiyey; Ilaahay ayaad caabudaysaa oo waxba u shariik yeelimaysid, salaadda ayaad tukanaysaa, sakada ayaad bixinaysaa, qaraabadaa ayaad xidhiidhinaysaa. Mar kalena wuxu yidhi: Qofkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeya, salaadana tukada, ramadaana sooma, Ilaahay waxaa xaq ku noqotay (wuu ballan qaaday) inuu qofkaa janada geliyo, ha jihaado ama dhulkii uu ku dhashay ha fadhiistee.

45-47. Qofkii sifooyinka yeesha: Nebigu wuxuu yidhi: Saddex hadii uu ictiqaado (oo ku dhaqmo) qalbiga muslimku janada ayuu gelayaa. Camalka oo Ilaahay loo khaalis yeelo, madaxda oo loo naseexeeyo iyo jamaacada muslimiinta oo la laasimo (lagu jiro), maxaa yeelay ducadooda ayaa hareeraynaysa.

48. Qofkii ku sabra hadii uu indha beelo: Nebigu wuxuu yidhi: Ilaahay wuxuu yidhi; hadii aan adoonkayga ku ikhtibaaro indha la'aan oo uu sabro waxaan ugu bedelaa jano.

49. Qofkii looga markhaati noqdo khayrka: Nebigu wuxuu yidhi: qofkii muslim ah ee afar ruux khayrka ku amaanaan oo uga markhaati kacaan Ilaahay jano ayuu gelinayaa, asxaabtii waxay yidhaahdeen, saddexna wuxuu yidhi Nebigu iyo saddex hadana waxay yidhaahdeen labana wuxuu yidhi iyo laba (waa inuu yahay markhaatigu mid caadil ah oo khayrka yaqaan).

50-54. Qofkii sifooyinkan wax ka yeesha: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii laba shay Ilaahay jidkii ku bixiya albaabada janada ayaa looga yeedhaa oo lagu yidhaahdaa adoonkii Ilaahayow kaasi waa khayr, janaduna albaabo ayey leedahay; qofkii ahlu salaad ah ka salaadda ayaa looga yeedhaa, qofkii ahlu jihaad ah ka jihaadka ayaa looga yeedhaa, qofkii ahlu soon ah albaabka cokanaanta (haraad la'aanta) ayaa looga yeedhaa, qofkii ahlu sadaqo ahna ka sadaqada ayaa looga yeedhaa.

55. Shayga dhibaatada leh oo dariiqa laga leexiyo: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii ka leexiya waxa dhibka leh dariiqa muslimiinta xasano ayaa loo qoraa, qofkii xasano laga aqbalaa janada ayuu gelaa. Nebigu wuxuu yidhi: Nin ayaa soo maray laan dariiqa ku taal markaasuu yidhi: Ilaah ayaan ku dhaartee waan ka fogaynayaa laantan muslimiinta oo dhibimayso, markaa janada ayaa la geliyey. Nin ayaa weydiiyey Nebiga waxaad i bartaa shay aan ku intifaaco, Nebigu wuxuu yidhi: Dariiqa ka fogee wixii dhib leh.

56-57. Qofkii sifooyinkan yeesha: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii ku faraxaya in naarta laga fogeeyo, janadana la geliyo geeridu ha u timaado isagoo rumaysan Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkana ha ula dhaqmo sida uu jecelyahay in isaga loola dhaqmo.

58-59. Janada oo la dalbo iyo naarta oo Ilaahay laga magan galo: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii Ilaahay weydiista jano saddex jeer, janadu waxay tidhaahdaa Ilaahow jano geli, qofkii Ilaahay ka magan gala naar saddex jeer, naartu waxay tidhaahdaa Ilaahow naar ka magan geli.

60-61. Salaadda oo waqtigeeda lagu tukado iyo waalidka oo baarri loo noqdo: Nebiga ayaa la weydiiyey acmaaal la sameeyo kuwee ayaa jano ugu dhow, wuxuu yidhi: salaadda oo waqtigeeda lagu tukado iyo waalidka oo baarri loo noqdo. Mar kale Nebigu isagoo ka digaya cuquuqa (waalidka oo la caasiyo) wuxuu yidhi: Sanka ciida ha daro -saddex jeer ayuu yidhi- qofkii soo gaadha labadiisa waalid iyagoo da? ah ama midkood oo aan -sababtood- jano ku gelin (Nebigu qofkaa wuu habaaray).

62. Agoonka oo la kafaalo qaado (la koriyo): Nebigu wuxuu yidhi: Qofka agoonka kafaalo qaada iyo anigu sida labadaa ayaan janada isu nahay (Nebigu wuxuu tilmaamay far dhexada iyo ta xigta).

63. Shanta salaadood dhawristooda: Nebigu wuxuu yidhi: Waa shan salaadood oo Ilaahay adoomadiisa ku waajb yeelay, qofkii la yimaada oo aan waxba ka dayicin xaqeeda isagoo fududaysanaya, Ilaahay agtii ballan ayuu ku leeyahay inuu janada geliyo. Qofkii aan la imana Ilaahay agtii ballan kuma leh, hadii uu doono wuu cadaabi hadii uu doonana jano ayuu gelin.

Waa casharkii todobaad ee taxanihii " in ka badan 100 camal oo jano ku gaadhsiinaysa", hadii Ilaahay raali ka noqdo qoraalkani waa kii ugu dambeeyey wejiga kowaad ee casharka. Ilaahay waxaa weydiisanayaa inuu ii fududeeyo soo uruurinta & dhamays tirka wejiga labaad, dhamaanteena inuu janada ina geeyo.

63. Salaad sunne ah wayso qaadasho kasta dabadeed: Nebigu Bilaal ayuu ku yidhi: Bilaalow waxaad ii sheegay camalka aad ugu rajo weyntahay oo adigoo Muslim ah aad samaysay, waayo waxaan janada gudaheeda hortayda ka maqlay jaan qaadkaaga sanqadhooda? wuxuu yidhi Bilaal: Ma aan samayn camal aan uga rajo weynahay, in mar walba oo aan wayso qaato hadii ay habeen ama maalin tahay waxaan tukadaa wixii la ii qoray in aan tukado (sunne).

64. Xajka mabruurka ah (in wixii la farayna uu la yimaado wixii laga reebayna ka tago xajka gudihiisa): Nebigu wuxuu yidhi: xajka mabruurka ahi abaal aan jano ahayn ma leh.

65. Qof aan waxba haysan (mucsir) oo daynka laga sugo ama laga saamaxo: Nebigu wuxuu yidhi: Nin ayaa dhintay markaa ayuu janada galay, waxaa lagu yidhi: maxaad samayn jirtay? wuxuu yidhi: dadka ayaan wax kala iibsan jirnay markaa qofkii aan waxba haysan waa ka sugi jiray ama lacagta ayaan ka saamixi jiray. Ilaahay ayaa u dembi dhaafay. Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii daynka ka suga qof aan waxba haysan ama ka saamaxa Ilaahay hadhkiisa ayuu hadhinayaa.

66. Dhiska masaajidka: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii dhisa masaajid Ilaahay dartii, isagoo kale ayuu Ilaahay janada uga dhisaa.

67. Qofkii akhrista ducadaan subaxii iyo galabtii:

?ķĻ ĒįĒ?ŹŪŻĒŃ Ēįį?ć Ē?Ź ŃČķ įĒ Ēį? ĒįĒ Ē?Ź Īį?Ź?ķ ęĒ?Ē ŚČĻ? ęĒ?Ē Śįģ Ś?Ļ? ęęŚĻ? ćĒ Ē?ŹŲŚŹ ĒŚę? Č? ć? ŌŃ ćĒ ??ŚŹ ĒČęĮ į? Č?ŚćŹ? Śįķ ęĒČęĮ į? Č??Čķ ŻĒŪŻŃ įķ ŻĒ?? įĒ ķŪŻŃ Ēį??ęČ ĒįĒ Ē?Ź. Ē?Ē ?Ēį Ķķ? ķć?ķ ŻćĒŹ ĻĪį ĒįĢ?? ęĒ?Ē ?Ēį Ķķ? ķ?ČĶ ŻćĒŹ ć? ķęć? ĻĪį ĒįĢ??

Micnaha: Istiqfaarta sayidkeedu waa: Ilaahow adigaa rabigay ah, Ilaah xaq lagu caabudo oo aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray, aniguna adoonkaagii ayaan ahay, ballankaagii ayaan ku sugnahay intii aan awoodo, waxaan kaa magan gelayaa sharka wixii aan sameeyey, waan kuu qiranayaa nicmooyinkaaga, dembigaygana waan kuu qiranayaa, ii dembi dhaaf cid aan adiga ahayni dembiyada ma dhaafto. Nebigu wuxuu yidhi: qofkii yidhaahda ducadaa galabtii oo dhinta janada ayuu galaa, hadii uu yidhaahdo subixii oo uu dhinto maalintaa janada ayuu galaa.

68. Qofkii akhrista ducadan marka uu seexanayo: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkiin hadii uu yidhaahdo marka uu seexanayo:

Ēįį?ć Ē?ķ Ē?įćŹ ?Ż?ķ Ēįķ? ęęĢ?Ź ęĢ?ķ Ēįķ? ęŻę?Ź ĒćŃķ Ēįķ? ęĒįĢĒŹ Ł?Ńķ Ēįķ? ŃŪČ? ęŃ?Č? Ēįķ? įĒ ćįĢĆ ęįĒ ć?ĢĆ ć?? ĒįĒ Ēįķ? Ēć?Ź Č?ŹĒČ? Ēį?ķ Ē?ŅįŹ ęČ?Čķ? Ēį?ķ ĒŃ?įŹ ŻĒ? ćĒŹ ćĒŹ Śįģ ĒįŻŲŃ?

Micnaha: Ilaahow naftayda adiga ayaan u hogaamiyey, wejigaygana adigaan kuu soo jeediyey, amarkaygana ) arrimahayga) adigaan kuu soo bandhigay, dhabarkaygana adigaan kuu soo tiiriyey, jecayl iyo cabsi darteed, meel iyo cid lagaa magan galaa ma jirto adiga mooyee, waxaan rumeeyey kitaabkaagii aad soo dejisay iyo nebigaagii aad soo dirtay. Nebigu wuxuu yidhi : hadii uu dhinto qofkaasi wuxuu ku dhintay diinta Islaamka.

69. Qofkii daa?ima akhriska iyo jecaylka suuradda AlIkhlaas (QUL HUWALA) Nebigu isagoo nin la hadlaya wuxuu yidhi: Maxaa kugu kelifay in aad daa?imto suuradan akhriskeeda ragcad walba? Ninkii wuxuu ku jawaabay waan jeclahay, Nebigu wuxuu yidhi: jecaylka aad suuradaa jeceshahay ayaad janada ku gelaysaa.

70-76. Qofkii ku sifooba mid ka mid ah sifooyinkan: Nebigu wuxuu yidhi: Todoba Ilaahay baa hadhkiisa hadhinaya maalinta hadhkiisa mooyee aan hadh kale jirin: Xaakim caadil ah. Qof dhallin yaro ah oo ku barbaaray cibaadada Ilaahay. Nin qaligiisu ku xidhanyahay masaajidka. Laba qof oo Ilaahay dartii isu jeclaaday, oo Ilaahay dartii isugu yimid dartiina ku kala tegay. Nin ay u yeedhatay haweenay qurux iyo mansab leh (sino ugu yeedhatay), markaana ku yidhi: Ilaahay ayaan ka cabsanayaa. Nin wixii uu sadaqaysanayey qariyey ilaa gacantiisii bidix aanay ka ogaan wixii gacantiisa midig bixisay. Qof isagoo cidla jooga Ilaahay xusay markaana ooyey.

77. Qofkii ku dhaqma tobanka aayadood ee ugu horeeya suurada Al-Muminuun (QAD AFLAXA): Nebigu wuxuu yidhi: Waxaa la igu soo dejiyey toban aayadood, qofkii ku dhaqma janada ayuu gelayaa, markaa wuxuu akhriyey Nebigu tobanka aayadood ee ugu horeeyey suurada AlMuminuun.

78. Qofkii akhriya salaad walba oo waajib ah dabadeed aayatu AlKursi (AlBaqara aayadda 255): Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii akhriya salaad walba dabadeed aayatu AlKursi, jano gelisteed waxaa uga hadhay inuu dhinto.

79. Qofka meel cid la ah jooga oo adimaya oo tukanaya: Nebigu wuxuu yidhi: Rabigiin wuxuu la yaabaa qof buur madaxeed adhi la jooga oo salaadda u adimaya oo tukanaya, Ilaahay wuxuu odhanayaa, eega adoonkaygan salaadda u adimaya oo aqiimaya aniga ayuu iga baqayaa, adoonkayga waan u dembi dhaafay, janadana waan geliyey.

80-82. Qofkii sifooyinka leh: Nebigu wuxuu yidhi: Guri janada

darafkeeda ku yaal ayaan u damaano qaadayaa qofkii ka taga

(iska daaya) muranka xitaa hadii gar leeyahay, guri janada dhexdeeda ku yaal ayaan u damaano qaadayaa qofkii ka taga beenta xitaa hadii ay kaftan tahay, guri janada xageeda sare ku yaal ayaan damaano qaadayaa qofkii akhlaaqdiisu wanaagsanaato.

83. Qofkii weysada wanaajiya ducadana ku ducaysta: Nebigu wuxuu

yidhi: Qofkii weysaysta oo weysada wanaajiya ka dibna yidhaahda;

ĆŌ?Ļ Ć? įĒ ?į? ?įĒ Ēįį? ęĆŌ?Ļ Ć? ćĶćĻĒ ŚČĻ? ęŃ?ęį? Ēįį?ć ĒĢŚį?ķ ć? ĒįŹęĒČķ? ęĒĢŚį?ķ ć? ĒįćŹŲ?Ńķ?

Micnaha: waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo oo Alaah ahyn ma jiro, waxaan qirayaa Muxamed inuu yahay adoonkii iyo Rasuulkii Ilaahay, Ilaahow waxaad iga dhigta kuwa towbad keena iyo kuwa is daahiriya. Waxaa loo furaa sideeda albaab ee janada wuxuu ka galaa tii uu doono.

84-86. Qofkii sifooyinkan la yimaada: Nebigu wuxuu yidhi: Dadow

salaanta fidiya, cuntada quudiya, dadku markay hurdaana tukada,

nabad gelyo ayaad ku gelaysaa janada.

87-91. Qofkii sifooyinka yeesha: Nebigu wuxuu yidhi: Todobaatan kun oo ummadayda ka mid ah ayaa janada cadaab la'aan iyo xisaab la'aan gelaya; waa kuwa aan wax ku tufin (quraanka ama ducooyinka dadka aan ku akhriyin), iyaguna aan dalbin in lagu akhriyo aan is gubin (daawo ahaan), aan shinbiraha xumaysan (ka faashan), rabigoodna tala saarta.

92. Qofkii siyaarta ama booqda qof Ilaahay dartii ay u walaaloobeen: Nebigu wuxuu yidh: qofkii siyaarta qof xanuunsanaya ama qof ay Ilaahay dartii ay u walaalo noqdeen, waa loo dhawaaqaa oo waxaa lagu yidhaahdaa; waad wanaagsanaatay, socodkaagiina wuu wanaagsanaaday (waa duco & ogaysiin), janadana guri ayaad ka degtey.

93-94.Qofkii sifooyinka yeesha: Nebiga nin ayaa weydiiyey waxaad ii sheegtaa camal hadii aan sameeyo janada aan gelayo; Nebigu wuxuu yidhi: Salaanta fidi (assalaamu Calaykum), hadalkana wanaaji oo macaanee, qaraabadaana xidhiidhi, habeenkii marka dadku hurdaan istaag oo tuko, nabad gelyo ayaad janada ku gelaysaaye.

95. Ha cadhoon: Nebiga nin ayaa ku yidhi waxaad ii sheegtaa camal janada i gelinaya hana igu badin, Nebigu wuxuu yidhi: ha cadhoon.(dhibaato kasta oo qofku gaysto in badan waa cadho darteed)

96. Qofka ku sabra saraca (qof suuxa ee dhaca): Haweenay ayaa u timid Nebiga, waxay ku tidhi: waa suuxaa oo cawradayda ayaa muuqata marka aan dhaco, ee Ilaahay ii bari. Nebigu wuxuu ku yidhi: hadii aad doonto waad sabri oo jano ayaad leedahay, hadii aad doontana Ilaahay ayaan kuu baryi inuu ku caafiyo, waxay tidhi: waan sabrayaa ee Ilaahay ii bari in aanay cawradaydu muuqan marka aan dhaco, Nebigu Ilaahay ayuu u baryey.

97. Safooyinkan haweentii yeelata: Nebigu wuxuu yidhi: Hadii haweentu shanteeda tukato, bisheedana soonto, hoosteedana dhowrto (xumaanta ka dhowrsato), ninkeedana adeecdo, albaabkii janada ee ay doonto ayey ka gashaa.

98. Qofkii yidhaahdan ducadan: Nebigu wuxuu yidhi qofkii yidhaahda: Ilaahay ayaan rabbinimo raali uga noqday, Islaamkana diin ahaan, Nebi Muxamed rasuul ahaan waxaa u waajibtay jano. (Ń?ķŹ ČĒįį? ŃČĒ ęČĒįĒ?įĒć Ļķ?Ē ęČćĶćĻ Ń?ęį

99. Qofkii ku sabra dhibka marka ugu horaysa: Nebigu wuxuu yidhi, Ilaahay wuxuu yidhi: Ina Aadanow hadii aad sabarto oo aad ajar doonto marka ugu hoaysa ee dihibku kugu dhaco, kaaga raali noqon maayo abaal jano ka hooseeya.

100. Haweentii dhimata iyadoo ninkeedu raali ka yahay: Nebigu wuxuu yidhi: Haween walba oo dhimata iyadoo ninkeedu raali ka yahay waxay gelaysaa janada.

101. Qofkii ku yeesha sifooyinkan: Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii qira Alle mooyee inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudaa oo keli yahay cid wax la wadaagtaana aanay jirin, Nebi Muxamad na adoonkiisii iyo Rasuulkiisii yahay, Nebi Ciisena inuu yahay adoonkiisii, Rasuulkiisii iyo Kelmediisii uu ku tuuray Maryama iyo Ruux xagii ka ahaatay, iyo janadu inay xaq tahay, iyo naartu inay xaq tahay, Ilaahay wuxuu geliyaa janada camalkiisu wuxuu doono ha ahaadee.

102. Qofkii toban jeer akhriya suuradda Al-Ikhlaas (QUL HUWA ALLAAHU AXAD): Nebigu wuxuu yidhi: Qofkii akhriya toban jeer suuradda Al-Ikhlaas guriga ayaa janada looga dhisaa Edited by

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:54