User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Ka faa iideyso ugana faa idey walaalaha islaamka ah‏

waxan hawada kuu soo marinayaa salaanqaali ah taas oo ah salaanta islaamka ASALAAMU CALEYKUM WARXMATULAAHI WABARAAKATu
asc
walaal haday kusoo gaarto warqadaan aqri una sii gudbi intii kuugu jirta mailka oo aad taqaanid sababto ah waxaad helaysaa ajir badan inshaa allahu qofkasta oo ka faaidaysta waxaad ku leedahay ajir badan marka ka faaidayso waana macluumad la uriyay iskuna day in aad naftaada la xisaabtanto si aad barito u badbaado

walal ma ogtahay in uu qabrigu dadka la hadlo malinkasta shan jeer oo u ku dhaho

1_anigu waxaan ahay gurigii cidlada

Ee samayso wahel wahelkaaguna kula jooga markaad dhimato dhexdayda waxa wahel ku noqon karana waa quraanka o aad aqrisa inta aad noshahay adna ku dhaqanto waxa uu ku faraayo quraanku aadna ka harto waxa uu ka reebayo quraanku

2 Anigu waxan ahay gurigii mugdiga ahaa ee aan lahayn iftiin waxaad dhidan karto oo iftiin ku noqonkara waa salaada o aad tukato salaadasi ha noqoto mida waa jibka ah ama ha noqoto mida sunada ah waxaana u dhahay rasuulku scw salaadu waa nuur

3 _anigu waxaan ahay gurigii carada (ciidd)
Kadhiga furaash camal wanaagsan oo aad soo shaqaysato marka qabrigu waa ciidd ama caro sida u qof walba u yaqaano hadii aad camal fiican samayso inta aad noshahay waxa aad goglanayso qabriga dhexdiisa waa camalkaagi wanaagsana marka ku dadaal camalka wanaagsan
4 _anigu waxaan ahay gurigii abeesooyinka
5_anigu waxaan ahay gurigii ay joogeen munkar iyo nakiir ee inta aad noshahay badi shahaadatenka si aad uga mid noqoto kuwa u alle dhahay waxaa la waa fajiyaa hadalka sugan e ah shahadatenka markay suasha waydinayaan labadas malig waxaana u dhahay rasuulku scw qofka markii la galiyo qabriga oo ay dadku ku shubaan carada markay ka soo dhaqaan waa isla markiba u imanaya labo malag waxay waydinayan suaalo ay ka mid yihiin rabigaa waa kuma? diintaad haysatay markaad jogtay aduunka teebay ahayd? waxaa la dhahaya nabigaagu wa kuma? marka hada inta aad noshahay baro rabigaga iyo diintada iyo rasuulka laguu so diray hadii kale suaalahas kama jawabi kartid marki lagu waydiyo

somalidu waxay dhahda nin nolow maxaa aragti ku laban bal ila aqri waxyaa lahan yaabka leh ee aan maanta ku suganahay sidaan u nahay banii adam
waa wax layaab leh
hal doolar ama kunshilin ama hal riyaal ama hal liiro markaan masjidka gaynayno waxay agtena ka tahay wax wayn oo waan la bakhaylaynaa

laakin markaan u qaadayno suuqa waa waxyar

waa wax layaab leh

waxii aad ka maqasho idacada ama aad ka aqriso joornal in aad horay ka rumayso oo aad ka aqbasho

laakiin wuxuu ku sheego quraanku ama xadiiska rasuulka in aad ka kento dood

waa layaab

halsaac oo aad alle u cibaadaysanayso waad dhibsanaysa oo waxad u aragtaa wax badan

laakiin sagaashan daqiiqo oo aad fiirsanayso kubad ama aad fiirsanayso talefishin ama aad fadhido net waxba uma aragtid way kula yartahay

waa wax lalayaabo

in aad aqriso hal jus oo quraan ah waa kugu dhib

laakiin in aad aqriso joornal ama qiso jacayl oo ka kooban sadex boqol oo safxo(waraaqo) waxba uma aragtid oo waa ku sahal

waa wax layaab leh

in aad labo saacadood dhex fadhiso masjid way kugu badantahay
laakin markaad fiirsanayso filim way kula yartahay

waa wax layaab leh

markaan xifdinayno hal ayaad oo quraan ah waxaan u baahanahay waqti dheer

laakin hees dheer waxaan ku xifdinaynaa mudo gaaban

waa wax layaab leh

qofkasta waxaa uu jecel yahay markii ay jirto ciyaar ama xaflad in uu fariisto kuraasta hore

lakiin masjidka waxaa la isku ciririn safafka danbe

walaalow maanta waxaad awooda in aad samayso oo aad shaqaysato camal wanaagsan iyo xasanaat

laakin bari marki la dhinto oo la iska soo saaro qubuurta waxaa uun jira xisaab

marka walal manta in aad ka faaidaysato fursadada ayaa ku haboon!

mahadsanidiin

W/Q: Bincali

Submitted by Ahmed on Tue, 07/28/2009 - 13:51