Waxaa Qoray: DAHIR
Magaaladu waa Medina, meeshuna waa Masaajidka Nabiga (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato), waa xalaqad diinta lagu barto oo ay fadhiyaan arday aad u fara badani.
Ardaydu waxa ay sugayaan sheekhoodii. Sheekhu maanta waa uu soo habsaamay, ardayduna
waxa ay ka warwarsan yihiin soo daahida sheekhooda. Waxoogaay markii ay sugayeen
ayuu sheekhii yimid isaga oo ay ka muuqato haybadii iyo karaamadii culimada
saalixiinta ah lagu yiqiinay. Meeshii loogu talagalay ayuu fadhiisatay, salaan
ka dibna wuxuu bilaabay hadalkiisii. Wuxuu yidhi ?walaalayaal in badan ayaan
masaajidkan idiinku dhigayay qaybaha kala duwan ee culuumta Islaamka. Maantase
waxa aan doonayaa in halkii aynu casharka ka qaadan jirnay aan idinla wadaago
qayb ka mida nolosha sheekhiinan idin hor fadhiya. Waxaan rajaynayaa in ay cibro
idiin noqoto.
Noloshaydii hore Waxaan ku noolaan jiray Ciraaq.
Ma aanan ahayn qof toosan. Xumaan oo dhan ayaanan faraha kula jiray. Waxaan
ahaa nin aan wax naxariis ahi qalbigiisa ku jirin. Dadkoo dhami way i necbaayeen.
Khamriga ayaan cabi jiray. Diinta waan ka fogaa, Salaadna haba sheegin. Maalin
maalmaha ka mida ayaan magaalada u soo dhaadhacay, sidii caadadaydu ahayd anigoo
suuqa dhex wareegaya ayaa waxa aan sheeda ka arkay laba nin oo is jiid jiidanaya.
Labada nin midkood waxa uu ahaa nin nicmo ka muuqato oo maalqabeen ah, halka
ka kale ay ka muuqatay baahi iyo duruuf adagi. Kan miskiinka ahi jilbaha ayuu
ku taagnaa waanu baryootamayay, wuxuu ku ooyayay ninka maalqabeenka ah, halka
ka maalqabeenka ahi uu miskiinka ku qaylinayay. Waxa aan ku soo dhawaaday halkii
ay labada nin isku haysteen si aan bal u ogaado sida ay wax u jiraan. Waxaan
waydiiyay in ay bal iiga waramaan waxa ay isku haystaan.
Waxa hadalkii bilaabay maalqabeenkii
wuxa uu ii sheegay in ninkan miskiinka ah uu 7 dirham sanad ka hor amaahiyay
laakiin ilaa iminka uu u soo gudi la yahay daynkaas. Wuxuu yidhi ?ninkani
muddo ayuu iga dhuumanayay laakiin maanta ayaan qabtay waxa aanan
ka qaatay todobadadii dirham ee aan ku lahaa ?. Miskiinkii ayaan eegay waxanan
waydiiyay bal isna in uu dhiniicsa ii sheego sida ay wax u jiraan. Miskiinkii
ma dafirin in daynkaas lagu leeyahay laakiin waxa uu ii sheegay in aanu haysan
wax aduun ah oo uu ku gudo daynkaas lagu leeyahay, lacagtan yar ee uu ninkani
xooga kaga qaadayna waxa uu yidhi waxa weeye 7 dirham oo uu doonayo in
uu caano ugu soo iibiyo gabdho yar yar oo uu dhalay oo ay baahi hayso. Halkaa
marka ay sheekadii marayso ayaan ka codsaday ninkii maalqabeenka ahaa in uu
miskiinka u soo celiyo lacgata uu ka qaaday uuna ka sugo daynkaas inta uu miskiinku
wax ka helayo. Maalqabeenkii arinkaas ma cajabin waanu iga diiday . Waan xanaaqay,
dhulka ayaanan ku tuuray maalqabeenkii. Xoogg ayaan gacantaydda
jeebkiisa ku galiyay waxaanan ka soo saaray lacagtii uu xoogga uga qaaday miskiinka.
Lacgtii ayaan miskiinkii gacanta ka galiyay waxaanan ku idhi
?orod oo caruurtaada caanaha u raadso?. Miskiinkii lacagtii ayuu qaatay
isaga oo ay farxad wayni wajigiisa ka muuqato, wuxuu bilaabay in uu ii mahadnaqo.
Markuu sii dhaqaaqayay ayaan ku idhi ?caawa marka ay caruurtaadu caanaha cabaan.ha
ilaawina in aad ii soo duceeysaan.?
Nin Khariban yaa gabadhiisa siin
Maalintii xigtay ayaa qalbigayga
waxa la galiyay in aan guursado. Laakiin yaa gabadh u guurinaya nin khariban
sidayda oo kale. Waxa ii soo baxaday in aanu jirin qof gabadhiisa ii aroosayaa,
sidaa daraadeed waxa aan tagay suuqii adoomaha lagu iibin jiray, gabadh
Muslimad ah oo adoona ayaan ka soo iibsaday, gabadhii waan xoreeyay ka
dibna iyadii ayaan guursaday. Gabadhii waxa uu Alle iiga dhigay mid khayr qabta.
Waxaay i bartay salaadii iyo wanaag oo dhan. Mudo yar gudaheed ayay nolashaydii
is badashay, waxaanan faraha kala baxay xumaantii aan ku dhex jiray oo
dhan. Waxa uu Alle reerkaygii ku irsaaqay gabadh. Jacaylka aanu u qabno gabadhaasi
waxa uu ahaa mid aan xad laahyn.. Habayn habaynada ka mida iyada oo ila
ciyaaraysa ayaa gabadhii lagu soo booday. Dhabtayda ayay ku dhacday
wax yar ka dibna tii Alle ayaa u timid oo waa ay dhimatay. Musiibadani
waa ay igu cuslaatay. Muddo ayaa waxa habayn iyo maalinba maskaxdayda ku wareegayay
sawirkii gabadhayda. Meel kasta oo aan aqalka ka eegoba waxa iiga muuqanaysay
gabadhaydii Faadumo. Habayn habaynada ka midda ayuu arinkani iga gaadhay meel
culus oo aanan qaadi Karin , waxa aana goostay in aan habaynkaas oo dhan
khamri cabo ilaa aan ka dhimanayo. Sidii aan khamrigii u cabayay ayaan dhacay,
waxa aanan ku riyooday riyo cajiib ah, riyadaas oo badashay nolashaydii oo
dhan.
Aabo goormaad toobad keeni
Waxa aan ku riyooday aniga oo
dhintay, oo la i aasay, oo uu qiyaamihii kacay dadkii oo dhan
qubuurihii laga soo saaray, qof kastana uu dhinac u cararyo. Waxa aan eegay
dhabarkayga waxa aanan ku arkay mas wayn oo dab igu afuufaya. Waan ka
cararay laakiin maskii igama hadhin. Waxaabad mooodaa in aniga la ii soo diray.
Sidii aan u cararayay ayaa anigoo daalay waxa iga soo hor baxay buur wayn.
Buurta waxa ka baxayay dariiqyo yar yar oo ay taagnaayen caruur yar yari. Markii
ay caruurtii i arkeen ayay mar kaliya dhawaaqeen oo ay yidheehdeen, Faadumooy!
Faadumooy! Faadumooy kaalay eeg eeg aabahaa. Gabadhaydii markii ay aragtay ayay
gacanta u taagatay maskii. Maskii markiiba waa uu istaagay waanu iga hadhay.
Gabadhaydii way ii timid gacanta ayayna i qabatay iyadoo leh aabo
?miyaanay u dhawaanay qalbiyadii
kuwii Alle rumeeyay in ay Alle u khushuucaan.? Halkaas marka ay marayso ayaan
ka soo booday riyadii. Waxa aan maqalay adaankii salaada fajarka. Inta aan
toobad keeenay oo aan maydhay ayaan tagay Masaajidka. Masaajidka aan tagay Iimam
Shaafici ayaa tujinayay. Salaadii iimaamku waxa uu nagu tujiyay aayadii
ay gabadhaydu akhrinaysay markii aan riyoonayay. Waan khushuucay waxaanan hoosta
iskaga idhi adaa laguu jeedaa Maalikoow. Salaadii markii laga baxay ayuu Imaam
Shaafici wuxu bilaabay in uu fasiro ayadahaas uu akhriyay. Markii aan ka soo
noqday Masaajidkii ee aan reerkaygii u soo noqday ayaa waxa aan ku idhi
xaaskaygii ?Alaabta inoo xidhxidh waxa aynu u guuraynaa magaalada Madina. Waxa
aan bilaabay in aad diinta barto ka dibna sidaas baanan ku noqday Sheekhan
maanta idin hor fadhiya.?
Sheekadani waa sheeko dhab ah.
Sheekha ka sheeekaynayana waxa u ahaa iimaamka wayn ee la odhan jiray
Malik Ibn Diinaar?. Waxa aan rajayn in ay inteena akhriday ay waano u noqoto.
Mahadsanidin