User login



Shout Box

Abdinur:

SCW/ Dhamaan

umucabaas:

scw dhaman walalaha musliminta ah

Biduur:

Asc wr ikhwah, dhamman waan idin salaamay. Walaalayaal waxaan ahay xubin cusub oo idinku soo biirtay maanta, marka waxaan rabaa in kheerka idinla faaiideysto inshallah.

Login or register to post shouts
All Shouts

Maxaad kala socotaa reer banii Israa'il dhexdooda immisaa caruurnimo ku hadashay

بسم الله الر حمن الرحيم

الحمد لله والصلاة والسلام على أشرف المرسلين،

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Reer banii Israa'iil dhexdooda saddex qof keliya ayaa iyagoo (ilmo dhashay) ah hadlay, saddexdaasina waxa ay kala ahaayeen sidan:

(A)- Mid wuxuu ahaa nebi Ciise (C.S.): Qisadaan oo aad wada garaneysaan markii hooyadii Maryama lagu yiri hadaladii xumaa ee ay ka midka ahaayeen (in ehelkeeda aan lagu aqoon xumaan & sino) iyagoo ula jeeday iney sineysatay waa tii isagii farta ugu ishaartay si ay isaga u weydiiyaan waxa uu yahay, dabadeedna waa tii ay yiraahdeen sidee baan ula hadalnaa ilmo dhabta ku jira ee waliba sabi ah aan waxba kala garaneyn. Nebi ciise (C.S.) waa kii la hadlay iyagii una sheegay inuusan waladu sinaa ahayd balse uu yahay adoon Alle, lana siiyay kutub lagana dhigay Nebi, ...... surada Maryam.

(B)- Midna wuxuu ahaa Jureyj Saaxiibkiis. Jureyj wuxuu ahaa nin saalix ah oo Cibaado badan, Wuxuu dhistay mowlac yar si uu ugu cibaadeysto. Maalin isagoo salaad ku jira baa hooyadiis u timid oo u yeertay, markaasuu Alle qalbiga ka baryey oo hoos iskula hadlay: Rabbiyoow ma salaaddaan dhammeeyaa mise hooyaday baan uga baxaa (Rabbiyow i waafaji sida roon), salaaddii buu doortay oo iska watay hooyadiina iska tagtay, Maalintii xigtay bay hooyadi u timid isagoo tukanaya oo tiri: Jureyj, wuxuu iskula hadlay oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaan uga baxaa, salaaddii buu doortay oo iska watay, Maalintii seddexaad bay hooyadii u timid isagoo tukanaya oo tiri: Jureyj, wuxuu iskula hadlay misna oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaday baan uga baxaa Salaaddii buu doortay oo iska watay, Hooyadii waxay tiri: Alloow ha dilin jeer uu sharmuuto wejigeed arko.

Jureyj iyo cibaadadiisa caan bay noqdeen iyo arrimaha ugu horeeya ee ay isla dhex maraan oo ay ka sheekeeyaan reer banii Israa'iil, Waxaana ka mid ahaa reer banii Israa'iil naag jirkeeda iibisa oo quruxdeeda tusaale loo soo qaadan jirey, Waxay tiri: Haddii aad rabtaan anigaa fidmayn kara oo fadeexad u soo jiidi kara Jureyj, markaasay isku dayday inay soo jiidato si uu uga sineysto, hase yeeshee Jureyj waa uu jalleeci waayey danna uma gelin, waxay u tagtay qawsaar mowlaca Jureyj ag degganaa oo intay isu dhiibtay ka sineystay uur bayna yeelatay, markii ay dhashay bay tiri: Jureyj baa dhalay wiilkaan.

Reer banii Israa'iil waxay u tageen Jureyj oo liideen meeshii bayna ka soo saareen oo inta mowliciisii dumiyeen garaaceen, Jureyj baa wuxuu weydiiyey: Maxaad sidan iigu galeysaan? Waxay yiraahdeen naagtaan dhillada ah baad ka sineysatay oo ilmo kuu dhashay wuxuu yiri: ilmihii aaway? waa u keeneen, wuxuu yiri: Ii kaadsha aan tukadee markaa buu tukadey markii uu dhameystay salaaddii buu ilmihii inta u tagay oo ku fariisiyey dhabtiisii weydiiyey ilmihii: Waa kuma aabbahaa? wiilkii wuxuu yiri: Waa hebel ina hebel ee qowsaarka ah, markaasey reer banii Israa'iil oo dhan u yimaadeen Jureyj iyagoo dhun dhunkanaya oo inuu ka raalli noqdo weydiisanaya oo ku yiraahdeen: Mowlacaagii oo dahab ah baan kuu dhisaynaa, Jureyj wuxuu yiri: Mayee dhoobadeeydii iiga dhisa oo sideedii ah, waana u dhiseen.

(C)- Arrinta saddexaad waxay aheyd ilmo hooyadiis nuugaya, ilmahaa yar oo hooyadood nuugaya ayaa waxaa soo ag maray nin fuushan faras dheereynaya oo bilic leh, ninkaa faraska watayna wuxuu labbisnaa dhar aad u qurxoon, Hooyadii baa baryootantay oo tiri: Alloow wiilkeyga iiga dhig sida ninkan, Wiilkii yaraa inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey ninkii buu yiri: Alloow ha iga dhigin sida ninkan, dabadeedna naaskii hooyadii buu isaga noqday. Halkan Nebigu (S.C.W.) tusaale buu ka bixiyey markii uu ilmaha nuugmadiisa ka sheekaynayey oo inta fartiisa murugsatada ah afka geliyey muudsaday, markaasuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri: Haddana waxaa soo maray dad badan iyo gabar addoomad ah, nimankuna waxay garaacayeen addoontaa iyagoo ku eedeynayey inay sineysatay waxna xadday, iyaduna jawaab ahaan laheyd: Xasbiyyallaah wanicmal wakiil (Allaa igu filan oo aan wakiishay), hooyadii baa tiri: Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, markaasuu wiilkii inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey gabadhii buu yiri: Alloow iga dhig iyadoo kale, Markaasaa wada hadal dhex maray Hooyadii iyo wiilkii Waxay tiri hooyadii: Waxaa na soo ag maray nin heybad leh markaasaan iri: Alloow wiilkeyga kanoo kale ka dhig markaa baad tiri: Alloow isagoo kale ha iga dhigin, misna dad baa soo maray iyo addoomad ay garaacayeen iyagoo ku eedaynaya dhilleysi iyo tuugo, Markaasaan iri Alloow wiilkeyga taasoo kale ha ka dhigin, adna waxaa tiri Alloow iyadoo kale iga dhig, Wiilkii baa wuxuu ku jawaabay ninkaasi wuxuu ahaa nin jajuubaa macangag ah, markaa baan kaa hor imid oo waxaan iri: Alloow kaa soo kale ha iga dhigin, Gabadhase ay leeyihiin way sineysatay run ahaantii ma ayan sineysan, waxay ku eedeeyeen inay wax xadday laakiinse waxna ma ay xadin (oo waa gabar mu'minad ah) sidaa awgeed baan u iri: Alloow iga dhig iyadoo kale.

(Bukhaari iyo Muslim)

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:42