User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

MUXDITHKA, JUNUBKA IYO XAAIDKA, WIXII XAARAAM KA AH

MUXDITHKA, JUNUBKA IYO XAAIDKA, WIXII XAARAAM KA AH
CALAA MADHABIL IMAAM SHAAFICI

Qofka weysada ka jabtay (muxdith),haddii cudur aan jirin waxaa xaaraam ka ah:

1 - salaat noocii ay ka ahaato, ijmaac ahaan (muslimiinta ayaa isugu waafaqay) iyo waxaa daliil ah Suubanaha (scws) xadiithkiisa Bukhaari & Muslim ay ka soo wariyeen Abii-Hureyrah: تقبل صلاة أحدكم إذا أحدث حتي يتوضأ) (لا ama (لا يقبل الله ( labaduba way jiraan, macnahiis waa: ILAAHEEY aqbali maayo qof xadathi salaadiis illaa uu ka weyseeysto, iyo xadiith kale oo Imaam Muslim ka wariyay Ibn-Cumar, Suubanaha (scws) wuxuu ku yiri: ILAAHEEY aqbali maayo salaat tahaaro la-aan>. Weliba islaamaha caadada qabaan Suubanaha (scws) wuxuu ku leeyahay :
<.....إذا أقبلت الحيضة فدعي الصّلاة و إذا أدبرت فاغسلي عنك الدم و صلّي>
رواه البخاري و مسلم و مالك و الترمذي و أبوداوود و النسائي و أحمد
Xadiithkani dumarka waxaa lagu amri, markuu xeedka u yimaado inay salaadda ka tagaan, markuu ka tagana ay is tahiriyaan ooy tugtaan. Sidaa darted ummadda waxay isu raaceen inuu xaaraam ka yahay. Mana gudeyso, sida Caaisha laga wariyay (rc):
<قالت: كنا نحيض عند رسول الله صلّى الله عليه و سلّم ثمّ نطهر فنؤمر بقضاء الصوم و لا نؤمر بقضاء الصلاةز>
رواه مسلم و أبو عوانة و أبو داوود و النسائي وابيهقي و أحمد.
Xadiithkani Caaisha waxay ku leedahay: Suubanaha (scws) zamankiis, markaannu xeedno, oon is tahirino, soonka gudidiis ayaa nala fari jiri, eese salaadda gudidiis nalama fari jirin.

2- tawaaf (waajib ama sunno), waxaa u daliil Suubanaha (scws) qoolkiis:
الطواف صلاة إلا أنّ الله أحلّ فيه الكلام فمن تكلّم لا يتكلّم إلاّ بخير> > waxaa wariyay Al-Xaakim ibn- Cabbaas xaggiis, wuxuuna yiri waa saxiixul isnaad.
Dumarka xaaidka ah ama nufasaa?da, iyaguna tawaaf waa ka xaaraam, Suubanaha (scws) qoolkiisa ahaan oo ku yiri Caaisha(rc):
<افعلي ما يفعل الحاج غير أن لا تطوفي بالبيت حتي تطهري> رواه الشيخان واللفظ للبخاري
Maxaa yeelay, tawaafku wuxuu u baahan yahay tahaaro, xaaidkuna kama ansaxaayo tahaarada.
Culimadana way isu waafaqeen tawaafka xarimiddiis, xaaidka iyo nufasaa?da korkooda, waxaa kale isu waafaqeen inuusan ka ansaxeynin tawaafka la farad yeelay iyo tatawucaba, waxaa kale ay isu waafaqeen in xaaidku iyo nufasaa?da aan laga reebeynin shey ka mid ah xaj iyo cumraba illaa tawaafka iyo labadeeda rakcadood maahinee, waa sida ijmaaca laga soo guuriyay.

3,4- musxafka qaadidiis iyo taabashada awraaqdiis, ILAAHEEY qoolkiisa ahaan: <لا يمسّه إلاّ المطهّرون > macnaha : Musxafka Kariimka ah, yuusan taaban illaa kuwa janaabada iyo xadathka iska tahiriyeen maahinee, janaabada waxaa la mid ah caadada, iyo Subanaha (scws) qoolkiis:<لا يمسّ القرآن إلاّ طاهر> macnaa: Musxafka yuusan taaban illaa qof tahirsan maahinee, waxaa wariyay al-Xaakim wuxuuna yiri isnaadkiis waa saxiix shardhigii korkiis>. Imaam Nawawi wuxuu leeyahay awraaqdiis quraanka ku qoran yihiin waxaa la mid ah qoloftiis la xiriira sida saxiixa ah, galka musxafka ku jirana waa la mid, iyo wixii quraan barasho lagu qoray looxa oo kale sida fiyoowida badan, waxaa kale bannaan in Quraanka amticada lagu qaado, tafsiirka, lacagaha ay ku qoran yihiin iyo sida fayoowida badan caruurta wax kala sooca aan tahaara qaadan lagama celiyo quraanka taabashadiis, looxa iyo musxafka uu wax ka baranaayo qaadistiis, baahida uu u qabo barashadeeda iyo mashaqada tahaara daa-imida darted, bal waa la kalgacalyahay iyo waxaa bannaan in qori lagu gad-gadiyo warqadahiis, Wallaahu aclam
.
Qofka junubka ah, 4ta walxaanood muxdithka xaaraam ka ahaa waxaa u sii dheer:

5- masjidka lu nagaado, qofka muslimka ah, markii Suubanaha (scws) laga reebo iyo masjidka ku noq-noqoshashiisa cudur la-aan, Asxaabteyna shaaficiyiinta waxay daliilsadeen ILAAHEEY (swt) qoolkiis: <...... و لا جنبا إلاّ عابري سبيل حتّي تغتسلوا> Macnaha sida Imaam Shaafici kitaabkiisa al-Um uu ku sheegay, Culimada barkooda oo ibn Cabbaas uu ka mid yahay waxay ku fasireen: Ilaaheey (twt) wuxuu yiri asagoo la khitaabaaya mu?miniinta: ha u dhawaanina meelaha lagu tukado waa masjidka idinkoo junub ah illaa inaad gudbeysaan maahinee nagaadit la-aan, ilaa aad ka qubeysataan ama aad meyrataan (tahaara qaadataan), iyo Suubanaha (scws) qoolkiisa ahaan: <لا أحلّ المسجد لحايُض و لا جنب> macnaha: u banneyn mayo masjidka xaaid iyo junub ba, waxaa wariyay Abu-Daauud, Caaisha (Allah haka raalli noqdee) xageeda, ibnul Qattaan wuxuu yiri waa xadiith xasan ah.

6- Quraanka aqrintiisa, qofka muslimka, waayo wuxuu wax u dhimmaa weynentiisa, Suubanaha (scws) qoolkiisa ahaan oo Turmudi iyo geerkiis wariyay:
<لايقرأ الجنب و لا الحايُض شيئا من القرآن> laakin waa la daciifiyay, waxaana lu adkeeyay Cali (kw) qoolkiis: <لم يكن يحجب النبي صلّي الله عليه وسلّم عن القرآن شيء سوى الجنابة> و روي يحجز
رواه أبو داوود والترمذي و غيره و قال إنّه حسن.
Macnahaa: Suubanaha (scws), Quraanka kama reebi jirin wax aan janaabada aheyn. Asxaabta dhexdoodana, aqrinta Quraanka leyska celiyo mash-huur bay ka aheyd.

Qofta xaaidka ah (caadada) ama nifaaska (dhiig dhalmada) qabta, 6da walxaanood oo junubka xaaraam ka ahaa, waxaa u sii dheer aa xaaraam ka ah:

7- Soon, fardi ha ahaato ama sunno, sida laga wariyay Caaisha (rc), xadiithkii meesha salaadda aan ku soo xusnay,
<كنّا نؤمر بقضاء الصّوم و لا نؤمر بقضاء الصلاة>
Xadiithka wuxuu ku tusinayaa in waqtigaas ay afuri jireen, waajibkana uusan ka dhaceynin, waayo soonka waa mar keliya sanadkii, dhib kuma ahaanaayo gudidiis, salaadduna noq-noqoshadeeda ayaa badan gudideeda waa mashaqo. Ummaddana way isu raaceen xarimiddiis xeed ama nifaas kii asiibo, waxaana leysku raacay inay gudeyso.

8- Maridda masjidka aa xaaraam ka ah haddii ay ka cabsato inay haleeso, masjidka dhawriddiisa dartii, haddii ay ka amin noqoneysa waa u bannaan yahay inay gudubto, haddii ay u baahato, oo meel kale la maro aan jirin, laakiin in la fadhiisto oo lagu nagaado masjidka waa ka xaaraam qofka junubka iyo xaaidkaba, kor ayaan ku soo xusnay.

9- Talaaq (in la furo) ayaa xaaraam ah, qofta xaaidka, Ilaaheey (swt) qoolkiisa ahaan:
< إذا طلّقتم النسآء فطلّقوهنّ لعدّتهنّ >
Macnaha, haddii aad fureysan naagaha, tahaarada bilowgiisa ku fura, idinkoo aad taabanina.

10- al-wat-u (naagaha farjiga lagala kulmo), iyo in lagu istimtaaco ayaa xaaraam ah, Ilaaheey (swt) qoolkiisa ahaan:
< فاعتزلوا النسآء في المحيض و لا تقربوهنّ حتّى يطهرن، فإذا تطهّرن فأتوهنّ من حيث أمركم الله >
Aayadda macnaheedu waxa waaye: dhaafa naagaha u tagidooda waqtiga xeedka ama makaankiisa hana ugu dhawaanina jamaac illaa ay iska tahiriyaan. Saxaabiga weynaa, Cabdullaahi bin Mascuud (rc) wuxuu yiri: Suubanah (scws) ayaan waxaan weydiyay, wixii ii bannaan xaaskeyga xaggeeda iyadoo xaaid ah, wuxuu ugu jawaabay:
< لك ما فوق الإزار > رواه أبو داوود و هو حديث حسن
< و عن عائشة رضي الله عنها : أنّ رسول الله صلّى الله عليه و سلّم كان يأمر إحدانا إذا كانت حائضا أن تأتزر و يباشرها فوق لإزار > رواه البخارى و مسلم عن ميمونة نحوه
Macnaha xarimidda marada hoostiis, waa farjiga xarimiddiisa.
Xadiithkani mafhuumkiis waxaa lu khaas yeelay caam ahaan, Imaam Muslim khabarkiis:
قال رسول الله صلّي الله عليه و سلّم : < اصنعوا كلّ شيء إلاّ النكاح > رواه مسلم و أبو داوود والنسائي و أحمد
Macnahiisu waa: sameeya wax walba illaa jamaac maahinee. Imaam Nawawi, sharaxiisa kitaabka Muhadabka wuxuu ku yiri, waa daliil kan ugu xoog badan, oona la doortay. Sidaa daraadeed, istimtaac marada wixii ka hooseeya lagu sameeyo, waxay soo jiideysaa jamaac, sidaas ayaa loo xarimay, Suubanaha (scws) wuxuu yiri:
<من حام حول الحمى يوشك أن يقع فيه >
Macnaha mooro ilaalsan, qofkii gaar wareega, wuxuu u dhawaadaa inuu ku dhaco.

و الحمد لله على ما يسرمن هذا الجمع
وصلى الله و سلّم على سيّد الأولين و الآخرين محمّد
وعلى آله الأطهار وأصحابه الأخيار

نفع الله به الإسلام و المسلمين

Submitted by Ahmed on Fri, 07/24/2009 - 14:20