User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

SALAADDA IYO CARRUURTA

Waxaa ku waajib ah qofka mas?uulka ka ah carruurta garaadsaday in uu faro salaadda oo uu baro axkaamtooda kolka ay toddoba jirsadaan, uuna ku garaaco haddii ay ka tagaan haddii ay toban jirsadaan sida soonka haddii ay awoodaan.

Waxaa kale oo ku waajib ah in uu baro caqiidada iyo axkaamta sidaa baa waajib ah iyo sidaa baa xaaraam ah iyo sharci ahaanta cadaysiga iyo jamaacada. Ibn al-Jawsi wuxuu kitaabkiisii ?xifd al-cilm? ku yiri: haddii carruurtu garaadsadaan waxa ugu horreeya ee la barayaa waa xogoo caqiidada ah kadibna arrimaha dahaarada kadibna xogoo quraan ah.

Waxaana ku waajib ah mas?uuliinta (Madaxda) in ay dilaan qofka salaadda ka taga caajisnimo haddii uusan towbad keenin xukunkiisuna waa muslimnimo. Waxaana muslim kasta ku waajib ah in uu faro salaadda qoyskiisa iyo dhammaan inta uu awoodo ee kale.

Submitted by Ahmed on Fri, 07/24/2009 - 13:57