User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
shuruudaha xijaabka gabadha muslimadda ah![]() Allaah ayaa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Walaalayaal waxaa dhacda in walaalaha qaar ay u heystaan in Cabaayad iyo Khimaar qura oo la xirtaa ay ku filan yihiin in ay xijaab sharci ah u noqdaan gabadha muslimadda ah . Haddaba walaalayaal ogsoonaada in Cabaayad iyo Khimaar aysan ku filnayn inay xijaab u noqdaan gabadha muslimadda ah. Xijaabka sharciga ah waa kii laga helo 8-da shuruud ee hoos ku qoran: 1.Xijabka inuu Jirka oo dhan qariyo.Taas micnaheedu waxaa weeye in haweenta muslimadda ah jirkeeda oo dhan ku dedaa jilbaab akhri aayadda 59 ee suuratul axsaab oo oraneysa “Nabiyow ku dheh haweenkaaga ,gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta ah iney korkooda ku dadaan shukadiinna ama jilbaabkiinnaba”. 2. Inuusan xijaabku naftiisu noqon qurux, maxaa yeelay haweenta muslimadda ah waa iney qarisaa quruxdeeda, haddii uu xijaabka noqdo mid dadka soo jidanaya, quruxna ka muuqato ma banaana in la xirto. Culumada waxay ku fasireen xadiiskaan in loola jeedo haweenta qaadata dharka khafiifka ah oo looga jeedo jirkeeda iyo quruxdeeda, marmarka qarkoodna la arki karo cawradeeda. Haweenka sidaas oo kale u labista Ilaahay haka baqaan oo si fiican korkooda ha u asturaan. 4. Inuu noqdo xijaabka mid waasic ah oo aan ku dheganeyn jirka haweenta.Haddii maradu ku dhegan tahay jirka oo xubnaha la tilmaami karo xijaab maaha sida haweenta surweel jinis ah oo ku dhegan labisan.Qofka labisan dhar aad ugu dheggan waxaa khatar ku jirta in salaaddiisa la aqbalo, maxaa yeelay salaadda shuruuddeeda waxaa ka mid ah cawrada la asturo. 5. Inuunsan xijabku noqon mid la carfiyey ama la bukhuuriyey “Macnuhu waxaa weeya iney xaaraan ka tahay haweenta muslimka ah iney dibadda gurigeeda ugu soo baxdo dhar carfayo ama iney iyaduba barafuun isku soo shubto.Xadiis saxiix ah nabigu nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, wuxuu ku sheegay “Haweeney walba oo isa soo carfisa, isa soo bukhuurisa ama barafuun isa soo marisa ka dib ay soo ag marto rag, raggaana ay carafkeeda ay uriyaan, nabigu wuxuu haweentaas ku tilmaamay inay zaaniyad tahay”.Waxaa xusuusin mudan iney xaaraan tahay in haweentu isa soo carfiso markay suuqa ama masaajidka soo aadayso.Haweenta muslimadda ahi waa iney isku qurxisaa ninkeeda iyo gurigeeda dhexdiisa. 6. Inuusan dharka haweeku u ekaan kan ragga.Nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu nacaladay ninka sida haweenka u labista iyo haweenta sida ragga u labisato,Haweenka dhar lagu yaqaan baa jira ,qolo walba sidii loogu talagaley ha u labistaan. 7. Inuusan xijaabku u ekaan dharka haweenka gaalada oo kale. Sida la ogsoon yahay islaamku wuxuu ku dhisan yahay in gaalada la khilaafo dhinac walba Nabigu wuxuun yiri “Qofkii Dad isu ekeysiiya iyaga ayuu ka mid yahay !.Haweenta muslimadda ah waa iney u mooqataa haweeney muslimad ah mar walba. 8.Inuusan noqon xijaabku dhar shuhro ah, micnihu waxaa weeye inaan xijaabka loola qasdin inuu dadka dhexdooda caan ka noqdo oo lagu faano, waxaa shuhro noqon kara in la xirto dhar aad u liita iyadoo loola jeedo is tutusid iyo ha lagaa sheego. Ugu dhambeyntii haweenka muslimiinta ah waxaan ku waanineynaa iney Allaah iyo Rasuulkiisa u hoggaansamaan oo si dhab ah xijaabka sharciga ah u qaataan.Haddii shuruudaha kor ku xusan uu xijaabku waafaqo waa Allaah mahaddi, haddii kalena Allaah ha u toobadkeenaan oo gabdhaha muslimiinta ahow qaata xijaabka saxa ah. Ilaah hana haleeshiiyo xaqa dhamaanteen Xigasho:KhalidMosque ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |













masha-Allah ukht ,itz really suitible topic 4 muslim ladiez. may Allah reward u asmaa,