User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Sidee Salaada Loo Tukadaa?Waxaad ka bilaabeysaa sii aan ku sheegnay hoos: 1. Niyyad: Isu-taag si xushmadi ku dheehantahay adigoo dareenkaaga oo dhan soo jeedinaya, dunida oo dhan dhinac isagadhigaya inta aad salaada kujirtid. Gacmaha lasin dhegaha, calaacalaha gacmaha horay usoojeedi, suulashana qaabilsii gadaasha dhegta caaradeeda waxaadna tiraahdaa: Allahu Akbar - xusuusnow salaada oo dhan waxaad ku akhriyi doontaa Af-Carabi. Sawirada hoose waxa ay muujin doonaan mar wala qaabka lagaarabo in aad samaysid marka aad salaada tukanaysid, waxaa sawir kasta dhanka bixid kala socda Carabi oo ah sida aad dhehi doontid iyo AfSoomaali macnihiisa ugu dhow ama sharaxaad kale oo la xiriirta qaybta carabiga. 2. ISTAAG [Qiyam]: Gacanta midig oo dusha kasaaran gacanta bidix sii dulsaan xabadka sida sawirka hoose ka muuqata. Fiiri dhulka (halka ku beegan sujuudaada), adigoo akhrinaaya ducada furritaanka: ( Subxaanaka Allahuma wa bixamdika - Allaahuma Baacid baynii wa beyna khadaayaayii ). 3. Fatiha: Akhri faataxada oo ah suurada ugu horaysa QUraanka 4. Rukuuc: Rukuuc adigoo dhehaya "Allaahu Akbar", Gacmaha oo ruugaga korkooda lasaaro adigoo fiirinaya dhulka oo horay 5. Kasoo toosida rukuucda: Rukuucda kadib istaag adigoo dhehaya "SamicaLaahu Liman Xamida", si qumaati ah u istaag 6. Sujuud: Tartiib adigoo istaagii ugasoo degaya waxaad dhulka dhigeysaa wajiga, sanka iyo calaacalaha gacmaha (laakiin maya xusulada), iyo ruugaga, faraha cagahana horay usoo qaloocinaya ama qaabilsiinaya qiblada 7. Qucuuud: Sujuuda kadib, si qumaati ah u fariiso. 10. U istaagida rakcadda Labaad iyo Afraad, Faataxada akhri marka aad itaagtid, hadii ay tahay ragcada labaad kudar suurad ama aayado ama intii Allah kuu sahlo, kadibna Rukuuc. 11. Rakcad kasta oo Labaad iyo Rakcadda ugu dambaysa: Rakcadaha labaad ama raakcada u dambeysa, ku negow fadhigii adigoo akhrinaaya Ataxiyaadka [At-Tashahhud]. (At Taxiyyaatu lilaahi was Salawaatu wat tayibaatu As Salaamu 'calaika ayyuhan nabiyyu wa rahmatul laahi wa barakaatuh As Salaamu 'calainaa wa 'alaa 'ebaadillaahis saaliheen, Ash hadu allaa ilaah ilallaah Wa ash hadu anna Muhammadan 'abduhuu wa rasuuluh). U istaag Rakcadda Saddexaad: Allahu akbar ayaad ugu istaageysaa rakcadda saddexaad, marka aad dhamaysid rakacadaha oo dhan ee aad akhridid ataxiyaadka ugu dambeeya waxaad markaas ku salidaa Rasuulka: Allaahumma salli 'calaa Muxammadin wa 'calaa aali Muxammadin Kamaa sallaita 'calaa Ibraaheema wa 'calaa aali Ibraaheema Innaka hameedun Majeed Alaahumma baarik 'cala Muxammadin wa 'calaa aali Muxammadin Kamaa baarakta 'calaa Ibraaheema wa 'alaa ali Ibraaheema Innaka hameedun Majeed. Si aad u dhamaysid salaada [Salaama calyekum]: Eeg dhanka midig, kadiban dhanka bidix adigoo marwalba dhehaya: (As Salaamu 'calaikum wa rahmatulaah) ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











