User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Tahaarada maxay tahay?

insha ALLAAH waxaan guda galeynaa uljeedada Tahaarada marka hore su'aasha waxa waaye :

Suaal : Tahaarada maxay tahay, sababta loo amray?

Jawaabta :
+ Tahaarada luqad ahaan waa nadaafad loo isticmaalo nadiifinta wasaqa dharka iyo makaanka la fadhiisto ama maacuunta la isticmaalo iyo kuwa kale.

+ Tahaarada sharciga oo loo isticmaalo axkaamta Fiqhiga in liska rido xadathka adigoo markaas u baahantahay weyso, qabeys, gabgabada iyo najaasada la rido. afartaan aan soo sheegnay waa afarta loogu dan leeyahay Tahaarada.

- Amma wasaaisheeda oo logu baahan yahay inta kor aan ku sheegnay waa [ Biyaha & Carada & dhagaxa istanjiga iyo Dabqiga oo laga wado markuu gibilka erida ama geelka la taahirnaayo]. marka waa inta aan ku soo sheegnay hadana waxaan guda galeynaa, noocyada Biyaha Tahaarada galo:

Noocyada Biyaha oo ansaxo Tahaarada waa 7 nooc.
1- Biyaha Samada ka soo dagto (ROOBKA).
2- Biyaha Bada (ee cusbada)
3- Biyaha Wawiga (ee maca)
4- Biyaha Ceelka
5- Biyaha ISHA (oo ka soo baxdo Jabalada ama dhulka)
6- Biyaha Barafka (oo la giliyo faranjeerka)
7- Biyaha Qaboobka (oo hada mathalan yurubta markuu qaboob soo dhaco dariishada waxay dhaleysaa Biyo)

marka intaas ka bacdi waxaan guda galeynaa Biyaha sida aay ukala baxdo, waxay ukala baxdaa 4 Qeybood:

1- Biyo oo dhaahir ah eena wax dhaahiriyo, naceybna lahayn (oo wax dhibeenin). biyahaasoo ah biyo oo socanaayo sida tubada camal.

2- Biyo oo dhaahir ah eena wax dhaahiriyo, naceyb lah (oo wax dhibaayo). biyahaasoo ah biyaha qoraxda ku dhaco sababta oo wax u dhibaayo waxaas sababi karaa jiradaan loo yaqaano Baras; Nabbiga SCW waa ka reebay Caaisha RC biyaha qoraxda ku dhaco waxaas dhahay jiradaan Baraska aay sababeeysaa.

3- Biyo oo dhaahir ah eena wax dhaahiri heenin waa biyaha la isticmaalo sidoo biyo aad isticmaashay oo markale ku weysqaada karin. biyahaaas waa biro mustacmal ah.

4- Biyo oo laban waa biyaha lamada qulo ka yar oo kalarkiisa is badalay ama carfintiisa sidoo kale aay tahay.

waa intaas aan soo sheegnay insha ALLAAH waxaan niga codsanaa in aad ii soo duceysaan iyo ehelkeyga.

Wabillahi Towfiiq.

Submitted by Ahmed on Fri, 07/24/2009 - 14:10