User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
TOWBADII WIILKII HOOYADIISA CAASIYAY....Waxaa qortay: Saamiya Ali M. Wuxuu hadal ku bilaabay wiilkani: Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxuu dhintay aniga oo yar hooyaday baa isoo korisay oo la rafaaday koriimadeyda, aniga keligeey beey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul si aan cilmi u yeesho, kadib markaan weynaadayna waxay ii dirtay jaamacad wadamada galbeedka ah. Markaan sii baxayay beey ila dardaarantay oo ay i tiri wiilkeeygiiyoow ha i ilaawin, xiriirkana ha gooyn. Mudo ka dib markaan jaamacadayda soo dhamaystay baan wadankeygii kusoo laabtay. Waxaana aan lasoo laabtay dabeecad qalafsan oo aan raxmad lahayn, waxaan noqday mid un oo ka dambeeyo nolosha aduunka iyo qayaaligeeda. Waxaan helay shaqo aad u heeersareeysa, kadibna waxaan bilaabay inaan raadiyo mid aan nolosha la wadaago. Hooyaday baa ii tilmaantay gabar dhowrsan oo diin leh, laakiin waan ka diiday oo waxaan rabay gabar xadaarada (ilbaxnimada) la socota "waa siday yiraahdaanee"oo quruxna leh. Waxaan guursaday gabar noocaan doon doonayay ah. Sidaabuuna xiriirkiina ku kala go'ay. Waxaa kasoo wareegatay mudo waan xanuunsaday jiro xun oo aan isbitaal lagalo. Hooyaday baa ogaatay inaan isbitaal galay, weey isoo booqatay laakiin inteeysan iisoo gelin baa xaaskeygii albaabka ka celisay oo ku tiri ku noqo meeshaad ka timid. Hooyadeyna sidii beey ku laabatay. Isbitaalkiibaan kasoo baxay xaalad nafsi ahna waan u xanuunsaday. Shaqadeydii baa la iga taqalusay, deymo badan baa laigu yeeshay gurigeygiibaa la igala tgay. Intaasina waa xaaskeeygii oo waxwalba dooneysa. Markaan kusoo baxay nin xanuunsan oo aan shilin haysan beey xaskeygii quruxda lahayd i tiri; maadaama aad shaqo la'aan noqotay, wax maal ahna aadan haysan, mujtamacana aadan meel ku lahayn hadaba ku doonimaaye iska keey fur!. Kadib waxaan doondoonay hooyaday waan helay inteesa ka helay. Waxaan arkay hooyaday oo kunool sadaqada lasiiyo. Waan usoo galay markay i aragtay beey ooyday, anigana lugaheedii baan qabsaday oo aan la dhacay oohin, labadeeniiba waxaan isla qabsanay oohin. Waxaan xaaladaa ku sugneyn mudo saacad ah. Wabillaahi tawfiiq... Source: Aflax ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











