User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Waxay caruurteeda quraanka ku bilowdaa inay barto markay hadal baradka yihiinالدنيا متاع وخير متاع الدنيا المرأة الصالحة Waxaa soo wariyay qisadan macalin quraan Sheekh ka ah masaajid macalin dadka bara quraanka ayaa yiri waxaa ii yimi wiil yar oo doonaya in laga diwaan galiyo masaajidkaas, markaas ayaan waxaan waydiiyay inuu ka xifdisanyahay wax quraanka, wuxuu wiilkii yaraa iigu jawaabay haa, waxaan ku idhi ka akhri wax juz camma, saa wuu akhriyay, hadana waxaan ku idhi ma xifdisantahay suuratu tabaarak, waan ka yaabay sida uu u yaryahay hadana quraanka u xifdisanyahay. waxaan waydiiyay suuratu naxl, saa waaba xifdisanyahay, markaas ayaan la sii cajabay. waxaan doonay inaan siiyo suurado dhaadheer, baqara ma xifdisantahay ayaan hadana waydiiyay saa wuu akhriyay isagoon waxba gafin. waxaan waydiiyay wiilkaygow ma xifdisantahay quraanka dhan, wuxuu yiri haa. Mansha Allaah! waxaan wiilkii yaraa ka dalbay inuu bari ii keeno qofkii masuulka ka ahaa..........anoo aad ula cajabsan. La yaabkii ugu waynaa wuxuu i qabsaday markaan arkay aabihiis..........ma ahayn nin aay ka muuqato sunnadu. Aabihii wuxuu yiri: waan arkaa inaad la yaabantahay inaan ilmahan aabo u ahay, laakin waxba haa la yaabin, waxaa ka danbaysa wiilkan hooyo u dhiganta 1000 nin, waxaana kuugu bishaaraynayaa inaan leeyahay sadex carura oo hadda joogta guriga dhamaantoodna aay xifdisanyihiin quraanka..........gabadhayda yar oo jirta 4 sano waxay xifdisantahay juz camma. waan la cajabay, markaas ayaan waydiiyay sideey ku dhacday? wuxuu igu yiri aabihii, hooyadood marka uu ilmuhu bilaabo hadalka ayay ku bilawdaa inay quraanka xifdisiiso oyna dhiiri galiso........kan ugu hor xifdiya isaga ayaa habeenkaas dooranaya cashada la cunayo...........kii ugu horeeya ee muraajaco sameeyana isaga ayaa dooranay meesha la aadayo wiigaas..........kan ugu horeya ee khatimana isaga ayaa dooran meesha loo aadayo safar..... saas ayay ugu tartamaan xifdinta iyo muraajacada quraanka. waa taas haweneyda saalixadda ah ee haday hagaagto uu hagaagayo gurigeeduna, waana tuu ku dardaaramay Rasuulkeennu scw in loo doorto xaas, lagana tago tan maalka, quruxda iyo nasabka leh. Ilaahay kheyr ha siiyo gabadhaas, waxaay fahantay fadliga quraanka, in waalidka dhalay xaafidul quraan loo xidhi doono taash maalinta qiyaame siduu Nabigeennu scw inoo sheegay. Badanaa maanta hooyooyin caruurtooda aan xatta suuradda ugu yar quraanka aan barin, iskaba daa inay barto ee aan iyadu garanaynin. Ilaahay swt waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo annaga iyo awlaadeennaba kuwo quraanka xifdiya kuna camal fala markasta. Source: khadijahome ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











