User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
WAXYAABAHA LAGAGA BADBAADI KARO FITNOOYINKASU,AAL ? SU,AAL? SU,AAL? SIDEEN UGA BADBAADI KARNAA DHIBAATOOYINKA KA DHACAYA MEEL KASTA GAAR AHAAN KUWA KA TAAGAN DHULKEENA SOOMAA LIYEED. ÞÇá Çááå ÊÚÇáì :(íÇÃíåÇ ÇáÐíä ÁÂãäæÇ ÇÓÊÌí龂 ááå æááÑÓæá ÅÐÇ ÏÚÇßã áãÇ íÍííßã) ÓæÑÉ ÇáÃäÝÇá ÇáÂíÉ 24 WALAALAYAAL waxaan dhamaanteen wada garaneynaa in dhibka maanta aduunka ka jira uusan ciyaar ku imaanin waayo markaad Qur,aanka kariimka aqriso waxaad in badan ka heli in Alle uusan qofna dulmineynin ama in Alle ummadii qaadata xaqa iyo wanaaga uu ka ilaalinayo dhibka una gargaarayo, sidaas darteed waxaan jeclahay inaan idiin soo gudbiyo DHOWR ARIMOOD oo laga rabo qofka muslimka ah inuu qabsado ama dhaqan ka dhigto markay dhibaato dhacdo, si dhibka looga badbaado, waxaana ka mida arimahaas, ARINTA KOOBAAD: waa in lagu dhago Qur,aanka iyo sunada Nabiga r waayo qabsashada labadooda iyo ku dhaqankooda ayaa lagu moodi karaa mushkilo kasta oo timaada, sidaas darteed ayaa Alle meelo badan oo Qur,aanka ka mida inagu amray inaan ku dhagno Diintiisa, si aan uga badbaadno mashaakilka fiiri Qur,aanka suurada Aali-Cimraan Aayada (103) ÞÇá Çááå ÊÚÇáì:(æÇÚÊÕãæÇ ÈÍÈá Çááå ÌãíÚÇ ) sidoo kale Rabi wuxuu Qur,aanka inoogu cadeeyey in jidkiisu yahay mid toosan, ka dibna wuxuu Alle ina amray inaan raacno jidkiisa toosan iskana ilaalino jidadka inaga leexinaya jidkiisa, sida ku cad Qur,aaanka suurada Al-Ancaam Aayada (153) (æÃä åÐÇ ÕÑÇØí ãÓÊÞíãÇ ÝÇÊÈÚæå ÞÇá Çááå ÊÚÇáì : æáÇ ÊÊÈÚæÇ ÇáÓÈá ÝÊÝÑÞ Èßã Úä ÓÈíáå) Nabigeenuna r wuxuu inoo cadeeyay inuu nooga tagay laba shey oo cad cad oo cidii qabsata aan looga baqeynin inay mar na ka dhunto jidka toosan, labadaasna waxay kala yihiin kitaabka iyo sunada Nabiga r ÞÇá r: ( Åäí ÊÑßÊ Ýíßã ãÇ Åä ÇÚÊÕãÊã Èå áä ÊÖáæÇ ÃÈÏÇ ßÊÇÈ Çááå æÓäÉ äÈíå) ¡ Walaalayaal kitaabka Qur,aanka & sunada Nabigar iyagaa wax walba inoo cadeeyey wixii maslaxad inoogu jirto iyo wixii dhib inoo keenaya, mida kale Qur,aanku ma dhaafin wixii ummadan hodan u keenaya xaga wax barashada, xaga dhaqaalaha xaga siyaasada, xaga xukunka iyo xaga maamulka i.w.m., sidoo kale Qur,aanku wuxuu ka hadlay habka loola tacaamulo Allaha ina abuurtay, iyo habka loola tacaamulo Bani,aadamka kan muslimka ah iyo kan gaalka ah, Sunada Nabiguna r waxay tafsiir u tahay Qur,aanka, sidaas darteed waxaa lagama maarmaana inaan Sunada Nabigar ugu dhaqano sidaan ugu dhaqano Qur,aanka kariimka, waayo dadbaa waxey moodaan in diinta islaamku aysan ummada hormar gaarsiin karin, sidaas darteed ayaa dad badan waxay raali ku noqdeen qaanuunada gaaladu dajisay, taasina waxay inoo cadeynaysaa inaysan fahmin macnaha diinta islaamka, Walaalayaal dadkii ku dhaqmay diinta islaamka taariikhdoodu wey qoran tahay, waxayna gaareen sharaf aad u weyn iyo liibaan aduunyo iyo mid aakhiro, sidaas darteed waa inaan ku dayano si aan uga baxno duliga maanta ummadeena heysta, Rabina waxaan ka baryeynaa inuu xaqa ina tuso nagana dhigo kuwii raaca. ARINTA LABAAD: ee lagaga bixi karo dhibka waa inaan si toosa ugu xirnaano culimada taqaana diinta islaamka, culimada ku dhaqanta sunada Nabigar culimada Rabi inoo sheegay inay yihiin kuwo Rabi aad uga baqa sida ku cad suurada Al-Axzaab Aayada (28) ÞÇá Çááå ÊÚÇáì : (ÅäãÇ íÎÔì Çááå ãä ÚÈÇÏå ÇáÚáãÇÁ) mida kale culimada waa in la qadariyo waayo culimadu waa kuwa ka dhaxlay Nabiga r cilmiga shareecada islaamka sida ku cad sunada Nabiga r (ÇáÚáãÇÁ æÑËÉ ÇáÃäÈíÇÁ) : rÞÇá Culimadu waxay taagaan yihiin booskii Nabiga r sidoo kale la fadhiisashada culimada iyo siyaaradooda iyo wax ka faa,iday sashadooda waa cibaado Alle loogu dhawaado Walaal hadii dhib kugu dhaco ama aad wareerto waxaa lagaaga baahan yahay inaad weydiiso culimada islaamka, sida dhibka looga baxo, waxaana la hubaa inaad ka heli jawaab aad ku caafimaado waayo qof kugu xiraya Allahii ku abuurtay kuuna cadeynaya wixii xalaal kuu ah iyo wixii xaaraam kaa ah, iyo wixii dhib kuu keenaya miyuusan mudneyn in lala tashado ARINTA SADEXAAD: ee lagaga badbaadi karo dhibka waa inaan iska ilaalino tafaraaruqa waayo Alle wuxuu inoogu cadeeyey Qur,aanka in badan inaan noqono ummad kaliya, sida ku cad suurada Al-Anbiyaa Aayada (92) ÞÇá Çááå ÊÚÇáì ( Åä åÐå ÃãÊßã ÃãÉ æÇÍÏÉ æÃäÇ ÑÈßã ÝÇÚÈÏæ ä) wuxuu kaloo Alle na amray inaynaan koox koox noqonin oo isku duubnaano, iskana ilaalino wixii ummadeena u keenaya khilaaf, sidaas darteed ayaa hadii labo qof oo muslimiin ah is khilaafto la inaga rabaa inaan dhaxdooda wanaag ka raadino si ummadu ugu noolaato amaan iyo barwaaqo, waxaa intaas dheer in laga helayo heshiisiinta dad walaalo ah oo is khilaafay ajir iyo xasanaad sida ku cad sunada Nabiga s.c.w. (ßá íæã ÊØáÚ Ýíå ÇáÔãÓ ÊÚÏá Èíä ÅËäíä ÕÏÞÉ ) ARINTA AFRAAD: ee lagaga bixi karo dhibka waa inaan barano diinta islaamka,waayo haday dhacdo musiibo, qofka cilmiga leh waxuu garanayaa sida la isaga ilaaliyo dhibka ama sida laga rabo qofka muslimka ah markay dhacdo dhibaato weyn, waxuuna mar kasta adeegsanayaa cilmigii alle baray, isagoo ku dayanaya jidkii dadkii fiic fiicnaa ee aduunyada uga horeeyey, hadii dhib soo gaarana waxuu aaminsan yahay qadarka Alle, waxuuna rabi ka rajeynayaa ajir iyo xasanaad, waxuuna isku dayi mar kasta inuu dhibka wax ka qabto sidaas darteed ayaa rabi qur,aanka waxuu inoogu cadeeyey in qofka wax yaqaana uusan la mid aheyn midka jaahilka ah fiiri Az-Zumer Aayada (9 ) laakiin qofka jaahilka ah haduu dhib ku dhaco magaranayo inta badan siduu uga badbaadiyo naftiisa iyo diintiisa, waxaana badan inuu wareero oo calaacalo amaba si xun ku dhinto sida aan ujeedno maanta aduunka meel kasta waxaana dhihi karaa dhibka maanta ka jira dhulkeena intiisa badan waxuu dabada ku hayaa cudurkan jahliga ah iyo badawnimo haysata dadka intooda badan iyo alle ka cabsiga oo aad u yaraaday. ARINTA SHANAAD ee lagaga badbaadi karo dhibka waa in uusan qofku iswaalin aadna isu dajiyo waayo dagdaga intiisa badan waxaan dhib aheyn ma keeno. ARINTA LIXAAD ee lagaga bad baadi karo dhibka, waa in lagu sabro dhibka lana rumeeyo in dadka alle ku xiran ay liibaantu u dambeyso oo aysan marna khasaa reynin. ARINTA TODOBAAD ee lagaga badbaadi karo dhibka waa in laga fogaado meelaha ay fitnadu ka dhacayso, gaar ahaan hadaadan waxba ka qaban karin, si ay u badbaado naftaada iyo gacantaada iyo carabkaada. ARINTA SIDEEDAAD : waa inuu qof walba ku dadaalo siduu u xisaabin lahaa naftiisa waayo dhibka maanta ina heysta waa mid aan inagu geysanay, inta rabi inoo dhaafay ayaana ka badan ARINTA SAGAALAAD: Waa inaan Alle u laabano dhamaanteen keena yar iyo keena weyn si aan u helo naxariista Rabi. ARINTA TOBNAAD ee lagaga badbaadi karo dhibaatada waa in Qof walba ku dadaalo siduu wanaaga uga talin lahaa, waxaan rabnaa in caalimku dadka diinta baro, waxaan rabnaa dictoorka caafimaadka inuu bulshada kaalintiisa ka qaato, waxaan rabnaa caaqilku inuu dadka maskaxdu wareersan tahay uu qeyb ka qaato, waxaa hubaala in hadii qof walba meesha uu ku haboon yahay wax ka qabto ay bulshadu is badali dhibkuna yaraan,ugu dambeyntii waxaan isu dardaarmaynaa cabsida Alle meel kasta oon joogno,ku dayasho aan ku dayaneyno RabulCisa Subxaanahu Wa tacaalaa . ÞÇá Çááå ÊÚÇáì: (æáÞÏ æÕíäÇ ÇáÐíä Ã澂 ÇáßÊÇÈ ãä ÞÈáßã æÅíÇßã Ãä ÇÊÞæÇ Çááå ) ÓæÑÉ ÇáäÓÇÁ ÇáÂíÉ (131) Iyo Nabi Muxamed S.C.W. oo mar kasta u dardaarmi jirey saxaabadda iyo ummadiisoo dhan inay Rabi ka baqaan meel ay joogaanba. ÞÇá r:( ÅÊÞ Çááå ÍíËãÇ ßäÊ ) Cabsida Alle waa mida lagaga bixi karo dhib kasta oo yimaada sida ku cad Qur,aanka iyo sunadda Nabiga S.C.W. meelo fara badan ÞÇá Çááå ÊÚÇáì : (æãä íÊÞ Çááå íÌÚá áå ãÎÑÌÇ ) ÓæÑÉ ÇáØáÇÞ ÇáÂíÉ (2 WAXAA DIYAARIYEY Xigasho: Islamchoice ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











