User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
WAXYAABO MUHIIM U AH QURBA JOOGTA ,,LAKIN AQRINNTOODA QAQTI QADAN KARA ...ASKA AQRISO WAA INTAASO AYXALAAL & XAARAAM -------------------------------------------------------------------------------- "Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illeen Cadaw cad buu idiinyayey" Suuradda Al-Baqarah, Aayadda 168aad Dhegeyso aayadda (2:168): Baset - Hussari - Minshawi "Cuntada Xalaasha ah" waa cunto ama waxyaalo aysan kujirin Khaansiir, ama waxa khaansiirka kasoo baxa, sida xayrta khaansiirka, saliida laga miiro khaansiirka iyo hilibka khaansiirka, waxaa kale oo xaaraam ah wixii uu kujiro Khamri ama aalkolo ama waxa kasoo dhexbaxa labadaas (khamriga iyo aalkolada). "Cuntada Xaraamta ah" uma bannaana Islaamku in uu isticmaalo. Qofka Muslimka ah waa in uu raadiyaa cunto "Xalaal" iskana ilaaliyaa ama ka fogaadaa wixii "Xaraam" ah. Ugu horayn waxkasta oo aad ku aragtid kelmedaha: "pork, lard, bacon, ham" dhammaan waa magacyo uu leeyahay khaansiirku waana xaaraam dhamaantood. -------------------------------------------------------------------------------- Aayado Qur'aan ah: Qormadan waxaan ku bilaabeynaa ayaado ka mid ah Qur'aanka Kariimka oo ku saabsan Xalaasha ah iyo Xaraamta: Suuradda Al-Maa'idah, aayadda 3aad waxaan ka qaadaneynaa waxyaabaha Allah inaga xarrimay, micnaha ayaadaas oo ah: "Waxaa laydinka Xarrimay Bakhtiga iyo dhiigga iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu Gawraco) waxaan magaca Eebe ahayn, iyo tii la Ceejiyo, iyo la Ganac gooyo, iyo tan meel ku dhacda, iyo Tii la Hardiyo, iyo Midduu Cunay bahal, waxaad Gawracddan mooyee (waxaa kaloo reeban) wixii lagu gawraco Sanam, iyo inaad ku Nasiib doontaan Faal, kaasi waa Fisqi, maantayna ka quusteen kuwii Gaaloobay Diintiina, Ee ha ka Cabsanina ee iga cabsada, Maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiina waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda waxaana idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan, Ciddii loo Dhibaateeyo Baahi inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon Falayn Dambi Eebe waa dambi dhaafe Naxariista." Dhegeyso aayadda (5:3): Baset - Hussari - Minshawi Xalaalnimada Cuntada Badda (Sea food): Xayawaanadda badda ku jira in la ugaarsan karo oo cuntadoodu xalaal tahay waxaa laga qaadayana Qowlka Allah, Suuradda Al-Maa'idah, aayadda 96aad (5:96) ee macneheedu yahay:- "Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaacaya iyo Socdaalba, (Idinkoo Xarman) waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadhsiga Barriga intaaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin." Dhegeyso aayadda (5:96): Baset - Hussari - Minshawi Gawraca Xoolaha: Ha ilaawin in aad ogaatid sida loo gawracay xoolaha aad hilibkooda cuneysid, gaar ahaan dhulalka qurbaha. Mar kasta xusuusnow Suuradda Al-Baqarah, aayadda 173aad (2:173) ee macneheedu yahay:- "Wuxuu uun idinka reebay Baktiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa waxaan ahayn lagu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebena waa dambi dhaafbadane Naxariista." Dhegesyo aayadda (2:173): Baset - Hussari - Minshawi Sidoo kale xusuusnow Suuradda Al-Ancaam, aayadda 121aad (6:121) ee macneheedu yahay:- "Ha cunina waxaan lagu xusin magaca Allah, illeen waa Xumaane, Shaydaamaduna waxay u Sheegaan Saaxibadood inay idinla murmaan, Haddaad Maqashaanna waxaad noqonaysaan Gaalo." Dhegeyso aayadda (6:121): Baset - Hussari - Minshawi Sidoo kale xusuusnow Suuradda Al-Ancaam, Aayyadda 145aad (6:145) oo macneheedu yahay :- "Waxaad Dhahdaa kaam helayo waxa laywaxyooday wax ka Reeban Cidda cuni oon ahayn, Bakhti, Dhiig, Butaaci, Hilib Doofaar, Illeen waa Nijaase iyo wax Xun oo lagu Gawracay Magaac Eebe waxaan ahayn, Ruuxii Baahda Dulmi iyo xadgudub la'aan, Eebaha wuxuu u Dambi Dhaafi in una Naxariisan. (hadduu baahidaa u Cuno). Dhegeyso aayadda (6:145): Baset - Hussari - Minshawi Iska Ilaalinta Israafka:: Cuntada iyo cabitaanka in iska ilaaliyo israafka waxaa laga qaadanayaa Suuradad Al-Araaf, Aayadda 31aad (7:31) oo macneheedu yahay:- "Banii Aadamow qaata Quruxdiina (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina illeen Eebe ma jecla kuwa xadgudbee". Dhegeyso Aayadda (7:31): Baset - Hussari - Minshaw Wixii Allah Xalaaleeyey in aan la iska Xarimin: In wixii Allah kuu xalaaleeyey aadan iska xarimin waxaa laga qaadanayaa Suuradda Al-Maa'idah, Aayadda 87aad (5:87) oo macneheedu yahay:- "Kuwa xaqa Rumeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma jecla kuwa Xad gudbee." Dhegeyso Aayadda (5:87): Baset - Hussari - Minshawi Ku Mahadinta Allah: Cuntada iyo risiqa wanagsan ee Alalh ku siiyey iyo cuntaad xalaasha ah maraksta oo aad cuntid Alalh ku mahadi. Xusuusnowna Suuradda Al-Baqarah, Aayyadda 172aad (2:172) oo macneheedu yahay:- "kuwa Xaqa rumeeyow wax ka cuna wanaagaan idinku arzuqnay, kuan mahdiya Eebe hadaad tihiin kuwo isaga Caabudi" Dhegeyso Aayadda (2:172): Baset - Hussari - Minshawi Halkaas waxaan ku soo ogaaney Waxyaabaha Xaaraamta ah iyo Waxyaabaha Xalaasha ku ah Diinta Islaamka ee aan ka qaaneyno Qur'aanka Kariimka. Haddaba, waxaa qofka Muslimka ah laga rabaa in uu ogaado waxyaabaha laga sameeyo cuntooyinka ama lagu daro si uu uga taxadaro waxyaabaha aan xalaasha ahayn. Sida la ogsoon yahay cuntooyinka lasoo diyaariyey, sida kuwa qasacadaha kujira iyo kuwo barafka lagu fariisiyey waxaa kujira waxyaabo lagu daray, waxyaabahaas qaybtood waxay noqon karaan kiimiko iwm, waxaana laga soo diyaariyaa dhir ama xayawaan. Hadaba waxaa qof kasta oo Muslim ah la gudboon in uu raadiyo ama ogaado nooca xayawaanka ah ee laga soo diyaariyey waxyaabahaas cuntada lagu daro. Haddii meesha ay ka imanayaan ay tahay khaansiir (ama doofaar), markaas xaqiiqadii cuntadaasi waa xaaraam, taas oo aan ku banaanayn in la cuno. Shareecada islaamku waxay ka xaaraam tinimaysay in aysan Muslimku cunin cuntada lagu daray Khaansiirka ama wixii khaansiirka kasoo baxay. Waxyaabaha soo socda oo kamida kuwo lagu daro cuntada waxaa aad u isticmaala shirkadaha sameeya cuntada. Qaar ka mid ah waxyaabahaas cuntada laga sameeyo ama lagu daro waa xalaal, qaarna waa mash-buuh ama shaki ayaa kujira, qaarna waa xaaraam. Fadlan la soco liiskaasi waa qayb kamida waxyaabaha cuntooyinka laga sameeyo, ee ma ahan mid dhammaan soo koobaya cuntada. Waxaan isku daynay, inta bini-aadamku awoodo, in ay sax yihiin akhbaarta aan halkan kusoo tebineyno, isla mar ahaantaana ay yihiin kuwo Islaamka waafaqsan, ayaadaha qur'aanku iyagu waa qowlkii Allah oo ka hadal ma leh waana in loo qaato sida ay yihiin, laakiin waxaan ka hadleynaa waa maadooyinka ay ka samaysan yihiin cuntooyinka ee aan soo uririnay kuwaas haddii aad heshid wax taas ka duwan fadlan nala soo socodsii. Waxyaabaha cuntada lagu daro ee hoos ku qoran waxaan kusoo gudbineynaa luqada Ingiriiska, maadaama ay tahay luqad inta badan ku qoran waxyaabaha cuntada lagu daro ama laga sameeyo [Ingredients]. Sidaas darteed waxaa kuu fududaan doonta in aad qoraalkan barbar dhigtid waxyaabaha ay cuntada ka samaysan tahay si aad u ogaatid waxa xalaasha ah iyo waxa xaaraamta ah. -------------------------------------------------------------------------------- Qayb kamid ah waxyaabaha Xalaasha ah -------------------------------------------------------------------------------- Qayb kamida waxyaabaha Xaaraamta ah Qayb kamid ah waxyaabaha shakigu ku jiro ama mash-buuh ah XUSUUS: Halka ay shaxanka sare kaga qorantahay "Sources" waxaa ku taxan meelaha ay kaso jeedaan waxayaabah cuntada lagu daro, kuwaas oo noqonkara xayawaan (Animal) ama dhir (plants). Waxa kale oo halkaas ku qoran arimaha kale oo cuntadaasi ay shakiga u geleyso oo ay ka mid tahay arin la xiriirta xagga caafimaadka (Health Reasons). LIFAAQ MUHIIM AH: Cilmi baaris lagu sameeyey shirkadaha qaar cuntooyinka ay sameeyaan, (sida: daawada ilkaha lagu cadaydo, Xanjada, saabuunta, Ice Cream-ka, waxyaabaha la isku qurxiyo, Cheese-ka, Pizza-da, qaar ka mid Rootiga, iwm), kuwooda xalaasha ah iyo kuwa xaaraamta ah... ka EEG HALKAN (English) Allah ayaan ka baryeynaa dembidhaaf. Adiguna fadlan Allah nooga bari horumar iyo wanaag iyo dembi dhaaf noloshanada halkan (dunida) iyo Janno aakhiro. -------------------------------------------------------------------------------- Website-yo la xiriira Xalaasha W/Q: omar-farouq ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











