User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Xaqiiqada Soomaalida: Xal Baan Rabaa Xaqana Ma Rabo!

Xaqiiqada Soomaalida:
Xal Baan Rabaa Xaqana Ma Rabo!

W/Q: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com

??? ???? ??????? ??????? ????????? ????? ????? ????????????? ???????? ???????? ??? ?????? ????? ???? ??????

???????? ??????????? ?????? ???????? ??????????????
???? ????????????? ?????????? ?????? ????????

Badbadana Waad Filaysaa Jidkeediina Ma Haysid
Doontuna Kuma Dul Socoto Meel Gawaan Ah ( oo qalalan )
Waxaa Cajiib ah umadaha carbeed sida ay ugu kala soocan tahay midka doqonka ah iyo midka is doqominaya ee doqonka iska yeel-yeelaya. Sideedaba way u kala soocan tahay umadaha carbeed erayga:
???? ? ??????
Doqon iyo doqon iska yeele
Kolka ay arkaan qof is doqominaya si dantiisa uu u gaaro ayay waxay ku yiraahdaan lahjadooda
????? ?? ??? ??? ??????????????
Wallee Walaalow Adigu Waad Is Doqomaynaysaa
Arintaana waxaa keenaya sida saraaxada leh ay u wada hadlaan taasoo u suurta gelisay inay ka badbaadaan kuwa dhagarta wada ee ku qaraabta in caqligoodu wax u dhiman yahay balse laga yaabo inuu marsiiyo mid aan wadankooda u dhalan sida soomaali oo kale oo aan kala garanaynin in arintaasi ay daacad ka tahay iyo in kale.
Tan iyo markii dagaalada sokeeye ka bilowdeen dalka soomaaliya waxaa laga hadlaa xalku muxuu yahay, laakiin laisma waydiiyo marka hore diyaar ma u nahay inaan xal gaarno?
Waxaan halkaan ka cadaynayaa in wadadii xalka lagu gaari lahaa ay inoo cadahay balse aynaan inagu hada diyaar u ahayn.
Sababta aan arintaa u leeyahayna waxay tahay. Qof walibaa wuu ogsoon yahay in kitaabka Alle SW iyo Sunnada Nabiga SCWW uu xalkii kama danbaysta ahaa uu yahay hadana qofku wuxuu rabaa in diintu ay hawadiisa raacdo laakiin marna diyaar uma aha in hawadiisu ay raacdo diinta. Taa macnaheedu waxaa weeye hadii ay diintu waafaqdo siduu rabay wuu ku qanci hadiise ay waafaqi waydo wuxuu oran tan diintii ma?aha, waa reer hebel oo doonaya inay xukun ku gaaraan IWM.

Tusaale ahaan. Dagaaladii ka dhacay bari 1992dii ee u dhaxeeyay wadaadada iyo C/llaahi Yuusuf waxyaabihii shacabka lagu kiciyay waxaa kamid ahaa war hawiyaa idiin qabsadaye iska kiciya taasoo sabab u ahayd ka dhex muuqashada uu ka dhex muuqday dagaalkaasi Sh Xasan Daahir Aways ayaa shacabkii loogaga dhigay shaabad.
Sidoo kale kolkii Itoobiya ay kusoo duushay gobolka Gedo wadaado badan baa isku qanciyay inuu dagaalkani yahay dagaal fitno gacmahoodiina ka laabtay iyadoo lala dagaalamayo gaalo wadanka kusoo duushay. Walaalo badan oo ahlu khayr ah oo Sh xasan daahir uu hogaaminayo ayaa xamar ka yimid caamadii kolkay arkeen in wadaadadii ay kala jabeen qolana ay diiday dagaalka oo fitno ku tilmaantay ayaa waxay yiraahdeen waxaa is haya daarood iyo itoobiya kolkii ay mudo kasoo wareegatayna waa tii caamadu oran jireen ururka nimankan wadaadada isku sheegaya waa daarood xukun doon ah oo diin kusoo gabanaaya.

Sidoo kale kolkii ay maxaakiimta islaamiga ay soo baxeen gobolo badana ay qabsadeen ayaa waxaa caamadii dhanka kale kasoo yeeray waa hawiye xukun doon ah oo kitaabka kusoo gabanaaya.

Waxaa maanta nasiib daro ah walaalkaana diid waraabaha tigreegana haku xukumo. Taasi waxay khilaafsan tahay ragii hore ee khilaafada isku haysan jiray marka ay arkaan in awooda ay gaaladu kala wareegi rabto waxay u ogolaan jireen inay xukunka uga tanaasulaan walaalka herdanka kala dhaxeeyo waxayna oran jireen:

?????? ??????????? ??? ?????? ??????????????
Geel Jire Balse Maya Doofaar Lajir

Macnaheeduna uu yahay intaan gaal adoon u ahaan lahaa doofaarkana u raaci lahaa waxaa ii dhaanta inaan adoon u ahaado qof muslim ah oo aan geela u raaco.

Laakiin maanta waxaan dhacday inaan waraabaha tigreegana aan aqbalno walaalaheena aan ku shaabadayno waa hawiye iyo daarood si aan isaga fogayno
????? ????????

Dhibtaasoo dhana waxaa u sabab ah inagaa xoog isu leh oo isu buuran oo cadawba isagama aadno. Waana siduu shaacirku yiri:

?????? ??????? ?????? ??????????? ??????????
Libaax buu igu yahay kolka dagaalka lajoogana waa sida goroyada oo kale ( oo waxba iskama dhicin karo )

Halkaa waxaad ka ogaatay umadani inaysan hada diyaar u ahayn in xal lagaaro inta reer walibaa uu leeyahay hadaynaan reerka aan ka dhashay kitaabku wadin mayeelayo. Ilaa soomaali hurdada ka toosto xaqiiqadana toos u abaarto xal yaan la sugin.

?????? ????????
????? ???? ????? ??? ?????? ????? ???? ??????.
WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com

Submitted by Fatimah on Sat, 07/25/2009 - 01:04