User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Xifdinta Quraanka kariimka![]() Waxaa hubaal ah in dad aad u fara badan ay isku dayayaan in ay xifdiyaan Quraanka kariimka ah. Waxaan rabaa in aan idin soo gudbiyo jadwal idin fududeenayo sida aad Quraanka u xifdin laheedeen Haddii aad xifdisid Quraanka (1 Aayad) Maalin walbo, Waxaad ku xifdin kartaa Quraanka 17 sano , 7 bil iyo Sagaal Maalmood. Haddii aad xifdisid maalinti (2 Aayad), Waxaad ku xifdin kartaa Quraanka 8 sano, 9 bil iyo 18 maalmood. Haddii aad xifdisid maalinti 3 aayad, Waxaad ku baran kartaa quraanka oo dhan muddo 5 sano ah, 10 bil iyo 13 maalmood. Haddii aad maalin walbo xifdisid 4 aayad, waxaad ku dhameen kartaa Quraanka 4 sano, 4 bil iyo 24 maalmood. Haddii aad xifdisid maalintii 5 ayaad oo Quraan ah, waxaad ku dhameen kartaa Quraanka muddo dhan 3 sano, 6 bil iyo 7 maalmood. Haddii aad maalinti xifdisid 6 ayaad, waxaad ku dhameen kartaa Quraanka muddo dhan 2 sano, 11 bil iyo 4 maalmood. Haddii aad xifdisid maalinti 7 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 2 sano, 6 bil iyo 3 maalmood. Haddii aad xifidisid maalintii 8 aayad, waxaa ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 2 sano, 2 bil iyo 12 maalmood. Haddii aad xifdisid maalinti 9 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 1 sano, 11 bil iyo 12 maalmood. Haddii aad xifdisid maalin walbo 10 aayad, waxaad ku xifdin karrtaa Quraanka muddo dhan 1 sano, 9 bil iyo 3 maalmood. Haddii aad xifdisid maalin walbo 11 ayaad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 1 sano, 7 bil iyo 6 maalmood. Haddii aad xifdisid quraanka 12 aayad maalin walbo, waxaad ku xifdin kartaa Quraan muddo dhan 1 sano, 5 bil iyo 15 maalmood . Haddii aad xifdiso maalin walbo 14 aayad, waxaa ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan, 1 sano iyo 3 bil . Haddii aad xifdisid maalinti 15 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka 1 sano, 2 bil iyo 1 maalin. Haddii aad xifdisid maalinti 16 aayad. waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan, 1 sano, 1 bil iyo 6 maalmood. Haddii aad maalinti xifdisid 17 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan, 1 sano iyo 10 bil. Haddii aad maalinti xifdisid 18 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 11 bil iyo 19 maalmood. Haddii aad xifdisid maalin walbo 19 aayad, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 11 bil iyo 1 maalin. Haddii aad xifdisid Quraanka 20 aayad maalin walbo, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 10 iyo 16 maalmood. Haddii aad xifdisid hal safxad oo ah 15 sadar, waxaad ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan muddo dhan 1 sano, 8 bil iyo 12 maalmood. Haddii aad xifdisid 2 safxad ama 30 sadar, waxaa ku xifdin kartaa Quraanka muddo dhan 10 bil iyo lix maalmood. Ha iloobin xaraf walbo oo aad aqrisid in aad haleesid hal ajir. Ajirkana wuxuu u dhigmaa 10 ajir . Haddii aad aqrisid (بسم الله الرحمن الرحيم) Waa 19 xaraf. Waxaad heleesaa 190 ajir. Haddii uu qofka xifdinayo , Wax badan ayuu ku celceliyaa. Meeqo ajir ayuu qofka helayaa? Ajir aad u fara badan ayuu qofka helayaaa. Ugu danbeentii waxaan Alle weydiisaneynaa in uu inoo fududeeyo Quraanka barashadiisa iyo diinta fahamkeeda... Alle Janno hanagu arzaaqo. Aamiin. ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |













scwrwb Walaal Omar aadaa u mahadsantahay gudbinta jadwalka waa fudud yahay sidaas.
Illaah ajar iyo xasanaat akaa siiyo
Aamin ya Allah , shukran akhil faadil Adigana Allaha kaa ajar siiya shaqada aad u hayso ummada islaamaka ah..