User login



Shout Box

Abdinur:

SCW/ Dhamaan

umucabaas:

scw dhaman walalaha musliminta ah

Biduur:

Asc wr ikhwah, dhamman waan idin salaamay. Walaalayaal waxaan ahay xubin cusub oo idinku soo biirtay maanta, marka waxaan rabaa in kheerka idinla faaiideysto inshallah.

Login or register to post shouts
All Shouts

<<<IS XISAABI,,,INTA AAN LAGU XISAABIN >>>

IS XISAABI
INTA AAN LAGU XISAABIN
--------------------------------------------------------------------------------

Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?
Ma soontaa bisha barakaysanee ramadaan?
Ma la baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?
Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?
Farriinta Alle ma akhrisatay - Al Quraan?
Mase fahamtay faham saxiixa?
Ma raacday rasuulkeenii calayhi salaam?
Bidcada ma iska ilaalisaa maalin kasta?
Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?
Ma ku dadaashaa saburtaana kheyrka?
Ma ka saburtaa carartaana sharka?
Ma fartaa dadka samaynta waxyaabaha san?
Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?
Ma damcaysaa janatu Alfirdawsa al'aclaa?
Ma ka baqaysaa gelista naarta jaxiima?
Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?
Ma ku salidaa nebiga calayhi salaam?
Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?
Hugaagu dhar islaam ma yahay?
Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?
Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
Ma ka fekertaa nolosha ehel & ubadba?
Ma ka mid tahay xisbiga Alle?
Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
Ma ka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?
Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?
Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?
Ma ka toobad keentaa dunuubtaada?
Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?
Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?

Qore: Miskiin, Alle u baahan
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle. ana isoo duceeya inu ILAHAY subhaana watacala Amuraheyga inu i sahlo aduun janadii firdowsa iguudee ugu dambeyn...Aaamin

W/Q: omar-farouq

Submitted by Ahmed on Tue, 07/28/2009 - 13:54