User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Sideen U Noqon Karaa Qof Kasbada Farxada Guurka?!!!

Waxaan maqaalkan inoogu diyaariyay suaalo badan oo la isoo waydiiyay oo khuseeya arimaha qoyska ayaa waxaan insha allah isku dayayaa qof walba oo inaga mid ah sidii uga heli lahaa xalinta arinta haysata markaasna daaweenteeda ay gacantiisa noqon doonto insha allah iyo dhibaatooyin badan oo haysta qoyska soomaaliyeed.

Waxyaabo kugu saacidi kara in aad hesho farxada rayn raynta iyo daganaanshaha guurka iyo guri barwaaqo oo isfahan iyo ixtiraam iyo kala dambayn ku salaysan.

1- Waxaad xasuusnataa inyar oo aad ka maqnaato xaaskaaga in ay adkaynayso xiisaha dhexdiina laakiin maqnaanshaha badan in uu keeni karo dhib aad u wayn.
2 - Waxaa weeyaan in aad si fiican u baratid dabeecadaha xaaskaaga ama ninkaaga ilaa aad ka baranayso dabeecadihiisa oo kaamil ah si aad ugula dhaqanto si wanaagsan barashada ma aha in aad ka cadhaysiiso si aad u ogaato cadhadeda mana aha in aad ku kululaato si aad u ogaato waxyaabaha ay ka cadhooto waa in si xikmadaysan aad u barataa dabeecadahaas.
3 - Ha qarqarin wax idiin dhaxeeya oo ha ka qarsan sirahaaga hadii ay ogaato ama uu ogaado dhib aad u waynbaa ka dhalan karta ee ogoow taas.
4 - Iska ilaali in aad ka wada sheekaysataan waxyaaba hore oo tagay tusaale ahaan ( gabadh kuu doonaynd ama aad kala tagteen gabadh ku jeclayd sidoo kale nin ku jeclaa iyo nin aad kala tagteen iyo waxi tagay oo dhan ) mashaacirta qofka ayay aad u dhawacaysaa arintaasi .!
5 - Ka fogoow in aad iska dhigto wax aad ahayn oo aad u matasho qofkaas aad doonayso in aad farxad kula nolaato ula dhaqan una sheeg sida ay xaladaadu tahay kula dhaqan dabeecadaada caadiga ah ee rabi kuu dhaliyay hana isku dayin in aad mucjiso iska dhigto khatar ah bari waxaad noqon waxaa tahay markaad xaqiiqadaada noqoto xaalku wuu murgi farxad iyo rayn rayna ma jiri doonto.
6 - U cabir xaaskaaga ama ninkaaga jacaylka aad u haysa intu leegyahay una sheeg markasta oo aad fursad u hesho hana ka caajisin.

7 - Ka ilaali naftaada is dhiibis iyo daciif nimo iyo xidh xidhnaan noqo mar walba qof waji fur furan oo faraxsan oo marka la arko farxad galiya qofka lamaanihiisa ah .
8 - Iska ilaali muranka badan iyo dooda joogtada ah .
9 - Mar walba isku day in aad maslaxada iyo wanaaga bilowdo oo aad iska saarto diiqada iyo cadhada hana ka dhigin in ay sii joogto cadhadaasi soona af jar oo xali mushkilada hala sugin bari iyo hadhow iyo hebel in tay ayna faraha ka bixin xali oo dhamee arinta ha is odhan gabadha muslimada ah ee somaliyeed ayaan intan ula jeedaa ha is odhan walaal asaga ayaa nin ah miyuu bilaabo asagu maslaxada oo afka ha buurin kiiskana ha iska sii waalin reerk! a daji o o bilow adigu maslaxaada iyo raali galinta qof walboona daji kan kale una dhibri xiliga cadhadiisa.
10 - Iska ilaali dadka was waaska wada iyo shakiga iyo shubuhaadka waxna ku qabso waxa waaqiciga ah ee jira ee aad indhahaaga ku aragto hana la sheekaysan dadka malaha iyo isku dirka iyo balaayada ka shaqeeya ku kalsonoow lamaanahaaga.
11 - Sii lamaanahaaga kalsooni buuxda naftiisa iyo taadaba kalsooni ku abuur adiguna noqo mid ku kalsoon doon doon oo raadi raali ahaanshiha lamaanahaaga.
12 - Ma anfacayso waxaan raadinayaa qof munaasab igu ah oo guurka igu farxad galiya hadii aad adiguba ahayn qof munaasab noqon kara guurkana farxad iyo guul ku wadi kara inta badan dadkeenu waxay raadiyaan qof quruxbadan diin leh dadnimo leh aqoon leh garasho leh nasab leh oo xariir ah qofku se asagu iskuma fiirsado oo qofka uu doonaayo in uu munaasab u yahay ma eego asagu in loo fiicnaado uu helo midka ugu fican wu jecelyahay se asagu kii la rabay ma aha cajiib iska ilaali taas.
13 - Nadaafada waxay ka mid tahay iimaanka daliilna waxay u tahay jacaylka,
14 - Ka tanaasul waxyaabo badan oo hanwaynidaadu a y rabto adigo ku raadinaaya jacayl iyo farxad kuna badal in aad ku raaxaysato waxa uu qofka aad jeceshahay jecelyahay .
15 - U roonoow oo ilaali lamaanahaaga sida aad naftaada u ilaaliso lana jecloow waxa aad naftaada la jeceshahay.
16 - Noqo mid wax bixiya oo waxna qaata waxaan ka wadaa noqo mid jecel waxuu asagu naftiisa la jecelyahay in uu siiyo lamaanihiisa kuna caawiyo wax walba oo uu heli karo oo farxad galinaysa, ha noqon bakhayl asagu jecel wax walba in uu qaato waxna aan lala yeelan .

17 - Ninku waxuu doonayaa in ay xaaskiisu noqoto gabadha ugu wanaagsan dumarka wax walba oo ay qabanayso ayna noqoto mida ugu jecel dadka uguna dhibrinta iyo naxariista badan, dumarkuna sidoo kale waxay doonayaan in uu ninkeedu noqdo nin ad adag oo la isku halayn karo dhamaysna tiri kara wax walba oo ay u baahato waxay sidoo kale dumarku jecelyihin inay ninkeeda u noqoto gabadhii ugu dambaysay noloshiisa .
18 - Ha kula dag dagin lamanahaaga musiibo kasta oo dhacda waxaad u sheegayso kala gur oo kala saaf inta aad u bandhigin.
19 - U noloow maalinta aad ku jirto hana isku dilin murugada bari waxaad samaynayso ka hor eeg awoodaada inta aad balan qaadin.
20 - Wax walba oo aad qabanayso ka fakar inbadan una fiirso ma fiicna shalaynta iyo is ciil kaanbiga oo waxay lid ku tahay farxada iyo rayn raynta .
21 - Waxaad ku fakartaa yay noqon jacaylka aad u qabto uun lamaanahaaga ee ku fakar wax ka fog inkastoo ay muhiim aad ah tahay jacaylka nolosha guurka.
22 - U noqo tusaale iyo ku dayasho wacan lamaanahaaga.
23 - Ha ku dag dagin wax aad adigu khalad u aragto waxaa laga yabaa in uu lamaanahaagu u arko sax uuna kaa sax sanyahay.
24 - Ha siinin fursad ehelkaaga iyo jaarkaaga in ay soo galaan arimaha idiin dhaxeeya isku dayna in aad xaliso dhamaan mushkiladaha dhexdiina yimaada intii aad karto ee awoodaada ah.
25 - Waxaa lagama maar maan ah in aad guurka gasho adigoo masuuliyad qaadi kara oo qalbigaagu raali ku yahay naftaaduna ku dagantahay.
26 - Iska ilaali waxyaabaha ku keeni kara dhexdiina dhibaato iyo is maan dhaaf, iskana ilaali in aad dhibto lamaanahaaga .
La soco qaybta labaad

Wabilaahi Tawfiiiq.

Xigasho: Khadijahome

Submitted by Fatimah on Fri, 07/24/2009 - 00:34